Dawladda Masar Oo Ku Hawlan In Ay Soo Saarto Xeer Cashuur Ku Waajibinaya Isticmaalka Barkulanka Facebook

0
775

Qaahira (Geeska)- Xildhibaan ka tirsan baarlamanka dalka Masar ayaa diyaariyey Qabyo-qoraalka mooshin uu ku dalbanayo in cashuur lagu soo rogo isticmaalka barkulannada bulshada ee internet ka, gaar ahaan Facebook, isaga oo taas ku sababaynaya in ay tahay hab lagu yarayn karo falalka argagaxisada.

Riyaad Cabdalsataar aya sheegay in xeerka cusub ee uu golaha horkeenay uu dadka isticmaala shabakadaha internet ka iyo barkulannada bulshada sida Twitter ka iyo Facebook ku waajibinayo in ay bil kasta bixiyaan cashuur is-diiwaangelineed, taas oo uu sheegay in ay dawladda ka caawin doonto in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada internet ka.

Xeerkani waxaa gorfayntiisa imika gacanta ku haya guddi ka tirsan golaha baarlamanka oo u gudbin doona golaha oo cod u qaadi doona. Xildhibaanka oo xeerkan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey ayaa yidhi, “Waxaa jiri doonta cashuur bille ah oo laga qaado dhammaan dadka isticmaala barkulannada bulshada, cashuurtaas oo xaddigeedu noqon doono 5 illaa 10 Gini oo lacagta dalka Masar ah, waxa aanay taasi dawladda ka caawin doontaa in ay la socoto kana hortagto in argagaxisadu ay shabakadahan ka faa’idaysato”

Xeerkan horyaalla baarlamanka Masar waxaa qodobbadiisa ka mid ah in qof kasta oo xisaab ku leh ama ka samaysanaya barkulannada bulshada sida Facebook iyo Twitter in uu furaha sirta ah ka dhigo lambarka kaadhkisia aqoonsiga, iyo in shirkadda Facebook lagu qasbo in ay dalka Masar u samayso bog Facebook oo u gaar ah Masaarida, si ay dawladda ugu suurtogasho in ay si sahal ah ula socota akoonka iyo dhaqdhaqaaqa uu qof kastaa ku leeyahay bara bulshada ee internet ka. Xeerkan ayaa haddii uu golaha baarlamaanku ansixiyo, qof kasta oo internet ka isticmaala isaga oo aan rukhsad u haysan, tusale ahaan rukhsadda barkulannada bulshada ee Facebook iyo Twitter ay ka mid yihiin in la ganaaxi doono lacag dhan 213 doolar, haddii uu arrintaas dhowr jeer oo dambe ku kacana loogu dari doono xabsi illaa lix bilood gaadhaya.

Isgaadhsiinta bulshada ayaa kaalin aad u muhiim ah ka qaadatay kacdoonnadii sannadkii 2011 ka ka dhacay dalka Masar ee xukunka ka kaxeeyey madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubaarak, laakiin tan iyo sannadkii 2013-ka markii ciidamada dalkaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha hadda Cabdifataax Siisi ay xukunka xoogeen dawladdii la soo doortay ee madaxweyne Mursi oo hadda xidhan waxa ay dawlada Masar qaadday tallaabooyin tiro badan oo ay ku cabudhinayso xorriyadda internet ka ee dalkaas. Marar badan oo ay dhaceen kacdoonno aan sidaa u awood badnayna waxa ay xukuumaddu degdeg u hakisay internet ka si ay uga hortagto in dadka kacdoonka wadaa ku xidhiidhaan si ay isu abaabulaan.

Sannadkii 2014 kana dawladda Masar waxa ay heshiis la saxeexatay hay’adda ammaanka internet ka ee dalka Maraykanka, kaas oo dhigayey in dawladdu ay awood u hesho dhexgelista iyo la socoshada xogaha shakhsiga ah ee dadka internet ka isticmaala.

Sannadkii 2015 dawladda Masar waxa ay xidhay adeegga shirkadda Facebook hore u samaysay ee ahaa in interned bilaash ah ay macaamiisheeda siiso, kadib markii shirkadda Facebook diidday in ay dawladda Masar u ogolaato in ay basaasi karto dadka isticmaala Facebook. Dhowaanna xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamanka Masar ayaa ku taliyey in dil lagu fuliyo dadka barkulannada bulshada ee internet ku qora hadallo dawladda ay ku dhaliilayaan.