Dawladda Kenya Oo Soo Gunaanaday Dagaal Afar Maalmood Ka Socday Suuqa West Gate Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
762

Picture1Nayrobi(Geeska)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa xalay ku dhawaaqay inay ciidamadiisu soo gunaadeen hawlgalkii ka socday suuqa West Gate ee ay ku dagaalamayeen kooxo hubaysan oo afar maalmod suuqaas haystay iyo ciidamada Kenya.

Mr. Kenyatta, oo shirjaraa’id ku qabtay cawayskii xalay xarunta madaxtooyada Kenya, wuxuu sheegay inay dawladiisu bahdishay islamarkaana ay laysay kooxihii soo weeraray West Gate. Wuxuu sheegay in shan ka mid ah kooxihii hubaysnaa lagu dilay xabadihii la isweydaarsanayay, 11 kalena xabsiyada lagu hayo, laakiin muu bixinin wax faahfaahin ah. Wuxuu sheegay inaanu cadayn Karin inay dad Maraykan ama Ingiriis ahi ku jireen kooxaha hubaysan, waxaanu tilmaamay in baadhis lagu hayo kuwa ay ahaayeen.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha dhimashada ah, wuxuu sheegay in 61 ruux ay ku dhinteen weerarkaas, waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhintay lix ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska, waxaana dhaawaca dadku uu gaadhay ayuu yidhi 240 ruux oo ay askari ku jirto.

Madaxweynaha Kenya, wuxuu ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah, waxaanu sheegay in saddex ka mid ah afarta dabaq ee suuqa West gate ay burbureen. Wuxuu Uhurru Kenyata, intaas raaciyay inaanay dawladiisu dabac u muujin doonin kooxaha weerarka soo qaaday.

Dadka weerarka fuliyay oo tiradooda lagu qiyaasayo 10-15 ruux, ayaan si rasmi ah loo aqoonsanin dalalka ay ka soo kala jeedaan, waxaanu weerarkoodu u muuqday mid habaysan oo ay muddo ka baaraan degayeen.

Weerarkan oo ay Al-Shabaab sheegatay, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, waxaanu dagaalkaasi socday afar maalmood oo xidhiidh ah oo ay kooxahaas hubaysani suuqa haysteen. Waxaanu weerarkaasi dhibaato ku keenay dhaqaalaha iyo sumcadda amni ee dalka Kenya.