“Shini Caydha Ayaa Dalkii Ku Degtay Oo Geedka Ka Cunaysa Midhaha, Caleenta Iyo Xididka”

0
4095

Picture2Hargeysa (Geeska) – Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa si adag uga hadlay ansixinta xeerka horumarinta wadooyinka, waxaanu sheegay inuu yahay xeer dhaqaale urursi oo shacabka lagu baadhanayo.

Mujaahid Cali Guray, oo ansixinta xeerkan ee Golaha wakiilada ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaan cashuur kordhinta xeerkani xambaarsan yahay aan wax wadooyin ah lagu dhisayn, balse ay ka mid tahay buu yidhi dhaqaale urursiga ay dalka ka wadaan shini caydh ah oo uu tilmaamay inay dalka ku degtay.

Cali Gurey oo arimahaa ka hadlayaa wuxuu yidhi “Waxaanu shacabka ka tacsiyadeynaynaa in mar kale mashruucii balaadhnaa ee lacag urursiga ahaa kar kale oo ka mid ah golaha wakiiladu maanta (shalay) ansixiyeen, iyadda oo ay tahay Miskiin baa Misko la fuulo leh, dadka xoolaha leh iyo dadka Mashaariicda waaweyni iyagu way iska farsamayn karayaan lacag urursatada, laakiin dadka aan masakiinta ah ee karayn ayaa waxa lagu sandulaynayaa wax aanay qaadi karayn”

Mujaahidku wuxuu sheegay oo kale “Shini Caydha ayaa dalkii ku degtay oo geedka midhaha ayay ka cunayaan oo caleenta ayay cunayaan oo jiridda ayay cunayaan oo xidika ayay gaadhayaan, wax alaale iyo wax ay ka tagayaan ma jirto” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaanu codsanay inaanu mudaharaado ka samayno arinkan, waxa arinkoodu marayo waynu ognahay oo saddex cisho ayaad siinaysaan iyo waxaasi waa iska hadal, laakiin waala isku badheedhayaa oo markaan annigu Mucaarad ahay Mudaharaadku waa sharci, markaan annigu kursiga ku fadhiyo Mudaharaadku waa Mabnuuc ayuu Axmed Siilaanyo marayaa hadduu jiraba.

Waad ogtihiin inay fashilmeen mashaariicdii dalka ugu waaweynayd, ragga lacagta ku urursanayaana waxay indho sarcaad uga dhigayaan intay wado dhagax dhigaan tan ayaa lagu dhisayaa (ayay odhayaan), annagu wax umadda loogu danaynayo oo wado loogu dhisayo isma hor taagno, kama hornimaadno, laakiin waxaanu ognahay meeday lacagtii lagu dhisi lahaa Berbera – Wajaale, waxay taalaa Nairobi waxaana shuruud lagaga dhigay haddaydaan Xisri (Wasiirka Madaxtooyada) loo dhiibayn ma ogolaanayno inaad waddadaa dhistaan, halkana waxa la leeyahay lacag bixiya waddo ayaa lagu dhisayaa”

Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), wuxuu sheegay inay dalka hogaamiyaan afar/saddex wasiir oo aan cidna waxba iskaga tiring “Waynu ognahay meesha waxa yaala, waynu ognahay in odeygan (Madaxwayne Siilaanyo) iyo saddex/afar inan ay meesha innagu xukumaan, odeyguna aanu meesha xukumin, lacag baa la innaga samaynayaa, xididka waala cunayaa, haddii aad wax diidi waydaan meel ay ku joogsanayno male, qaar dambaa soo socda oo wax loo saarayaa, markaa waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland haddaad tihiin waxaad u diyaar-garowdaan xili ka mid ah xiliyadii ugu adkaa ee 22-kii sanadood dalkan soo maray xaalad ka mid ah u diyaar-garooba, xaaladdaana cidda ina galinaysaa waa inamadan faaqay ee kibray ee aan rag waxba iskaga tirinayn ee lacagtii umadda laga qaaday ku laaluushaya, haddana intay culimada iyo wadaaddada ururiyaan oo ay Madaxtooyada geeyaan odhanaya waxaanu nahay dad iimaan leh oo Ehelulaahi ah oo umadda iyo dalka ka naxaya, iyagga oo tuug ah oo budhcad ah”ayuu yidhi