Sawiro La Sheegay In Laga Helay Kooxihii West Gate Qabsaday Oo La Baahiyay

5
586

Picture4Nairobi (Geeska) – Qoys ka badbaaday mashaqadii ka dhacday xarunta ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi ayaa ka waramay sida ay uga soo badbaadeen dagaalyahanada Al-shabaab ee qabsaday xaruntaasi, waxayna sawir ka bixiyeen dhibaatada halkaasi ka dhacday iyo samata baxooda oo ay sabab u noqotay Islaamnimadooda.

Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Alim Manji iyo xaaskiisa Sima Manji oo ka mid ahaa dadkii ay ku qabsatey dhibaatada xarunta Westgate ayaa waxay sheegeen inay si toos ah ay ula hadleen qaar ka mid ahaa dagaalyahanada Al-shabaab ee weerarka ku qaaday xaruntaas.

Mr Alim Manji, oo la hadlay Telefiishanka KTN oo xaruntiisu tahay Magaalada Nairobi, ayaa waxa uu sheegay inay raggaasi u sheegeen inay yihiin Soomaali isla-markaana ayna caadiyan dilin dumarka iyo carruurta, balse mid ka mid ah oo madaxiisu daboolnaa uu rasaas ooda kaga qaaday dadkii kale ee halkaasi ku sugnaa, rasaastaasi oo dhibaato ka soo gaadhay Mr Alim iyo xaaskiisa, balse rasaastaasi dhibaato ma gaadhsiin gabadh yar oo ay dhaleen oo uu dhalay Mr Alim.

Mr Alim, wuxuu sheegay inuu geesinimo is galiyey isla-markaana uu ku dhiiraday inuu la hadlo ragas, una sheegay inuu yahay qof muslim ah, markaa ka dibna uu ku dhawaaqay Ashahaadada (Towxiidka), isaga oo tilmaamay inay waydiiyeen markaa ka dib su’aal ahayd inuu Islaam yahay iyo in kale, balse uu u sheegay inuu Islaam yahay, waxaanu yidhi “Waxay Anniga Iyo Xaaskaygaba Na Siidaayeen Markii Aan Ashahaatay”.

Dhanka kale, Warbaahinta dalka Kenya iyo ta Caalamiga ah ee adduunka kale ayaa shalay soo bandhigay sawirradii ugu horeeyay ee laga helo kooxda ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab ee haysta Westgate.

Sawiradan oo la sheegay inay qaadeen kamaradaha qarsoon ee loo yaqaano CCTV, ayaa muujinaya rag dhalinyaro ah oo qaarkood madaxa duuban yihiin oo ku hubaysan qoryaha AK-47, iyo weliba rag u muuqaal eg carab oo gudaha dhismaha Westgate gudihiis ku akhrisanaya kitaabbo Qur’aan ah iyo weliba saddex ka mid ah oo dhamaantood madaxa duuban, waxayna ku fadhiyaan fadhi nooca la dhigo Meheradaha, waxayna u egyahay sawirkaasi sawir la qaaday intii aanay bilaabin hawlgalka ay suuqa ku qabsadeen.

Comments are closed.