Dawladda Kenya Oo Somaliya Kaga Baxday Heshiis Ay Dhawaan La Saxeexatay Iyo Kenyatta Oo Loo Arkay Ninkii U Horeeyay Ee Dhabarka ka Toogtay Farmaajo

0
505

Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Kenya ayaa jabisay heshiis dhinaca duulimaadka ku saabsan oo ay dhawaan  magaalada Nayrobi kula gashay madaxweynaha Somaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Heshiiska waxa saxeexay madaxweynayaasha Kenya iyo Somaliya.

Heshiiskaas ayaa dhigayay in Kenya joojiso duulimaadyada ka taga Muqdisho ee dalkeeda u socda ee sii mara Wajeer oo aad loogu baadho islamarkaana duulimaadku si toos ah u tago magaalada Nayrobi, waxaana maalmo ka hor Muqdisho ka baxday diyaaradii u horaysay oo toos u tagtay Nayrobi.

Hase yeeshe duulimaadkii labaad ee shalay ka baxay Muqdisho ayaa waxa ay Kenya ku amartay in diyaaradu  sii marto magaalada Somalida lagu dhibaateeyo ee Wajeer. Talaabadan ayay Kenya qaaday iyadoon soo wargelin dawladda Somaliya.

Talaabadan ayaa ah mid ay dawladda Kenya dhabarka kaga toogatay madaxweyne Farmaajo oo markii uu heshiiska soo saxeexay uu raysalwasaarihiisu kaga hor khudbadeeyay baarlamaanka inuu yahay heshiis guul ah oo ay dawladoodu soo hoysay.

Madaxweynaha Kenya iyo Madaxweyne farmaajo oo markii ay diyaaradii u horaysay ka tagtay Muqdisho kana degtay Nayrobi barahooda twitterka ku soo qoray hadalo ay ku sheegayaan in heshiiskii duulimaadku hirgalay ayaan wax dareen ah shalay ka bixin isbedelkan soo kordhay.

Laakiin idaacadaha Muqdisho ayaa shalay aad u qaadaa dhigay, waxaanay warbaahintu ku tilmaantay dhaawicii u horeeyay ee dalalka jaarka la ah Somaliya ka soo gaadhay Madaxweyne Farmaajo, waxaana la eegayaa in isbedelkan duulimaadka ku yimid uu ku koobnaado diyaaradda shalay iyo inuu noqdo mid saameeya duulimaad kasta oo sii mara Wajeer oo ay dadka Somalidu aad uga cawdaan.