“Mashaariic Aanu Lunsanay Aniga Iyo Masuuliyiin Kale Oo Wasaaradda Ka Tirsani Ma Jiraan, Waa Been Cad”

0
522

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa beeniyay  warar sheegaya in isaga iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaraddiisu ay lunsadeen kharashkii mashruuc loogu tagalay TB-da.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo Wargeyska Geeska Afrika ugu horeyn wax ka weydiiyey wuxuu ka qabo eeddan loo soo jeediyey iyo sida uu u arko ayaa ku jawaabay “Mashariic aanu lunsanay aniga iyo Masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsani ma jiraan, waa been cad, oo aan sal iyo raad toona lahayn, mana haboona in Bulshada la khaldo oo loo gudbiyo warar been abuur ah oo wax loogu dhimayo qofka sharaftiisa cirdigiisa iyo karaamadiisa, waxaana haboon in mar walba Saxaafaddu ka fiirsato wararka ay baahinayaan, oo aanay baahin warar aanay xaqiiqadooda haynin, oo been abuur ah”.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleeban Ciise Axmed (Xagla-toosiye), mar uu ka hadlaayey siday Wasaaradda Caafimaadku uga qayb qaadatay ka hor taga xanuunada ka dhashay abaarta ayaa yidhi “Wasaaradda Caafimaadku dadaal xoogan ayey ka gashay sidii aanay u sii fidi lahayn cudurada faafa ee ka dhashay abaaraha, oo waanu xakamaynay, shuban biyoodkan dilaacaynay dadaal xoogan bay ka gashay, waxaana ku hawl nahay sidii aanu u xakamayn lahayn, xaalad walba oo soo koradhana heegan baanu nahay, guud ahaan xarumaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolada dalka oo dhan, waxaana ku hawlnahay sidii aanu dadkayga u badbaadin lahayn, una heli lahaayeen caafimaad taam ah”.