Dawladda Kenya Oo Sheegtay Inay Hargeysa U Soo Diranayso Xafiis Diblomaasiyadeed Oo Ka Madaxbanaan Safaaradooda Somaliya

0
616

 

kenyaHargeysa(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa jamhuuriyadda Somaliland ku soo dartay wadamo Afrikaan ah oo ay xafiisyo diblomaasiyadeed oo kala duwan ka furan doonto dhowaan.

 

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya Mr. Thuita Mwangi, oo toddobaadkan hadal ka jeediyay kulan lagu qabtay magaalada Nayrobi oo lagaga hadlayay caqabadaha gobalka yaala ee ka horyimaada ganacsiga gaarka loo leeyahay, wuxuu sheegay inay dawladda Kenya safaaradooda Somaliya oo wakhtigan deggen Nayrobi u rari doonto magaalada Muqdisho, islamarkaana ay guddi diblomaasiyadeed oo ka madaxbanaan xafiiskooda Muqdisho u diri doonto caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

“Afrika waxay u muuqataa qaarad tartan yaal. Waxaan yaqiinsanay muhiimadda xidhiidh dhaqaale oon la yeelanno. Xafiisyadaasi waxay qeyb ka yihiin talaabo aan ku xoojinayno danaha dhaqaale oo qaarada aan ka leenahay,” ayuu yidhi Mr Mwangi.

Waxa kale oo uu diblomaasigani sheegay  inay dawladooda Kenya xafiisyo cusub ka furan doonto dalalka Gaana, Aljeeriya, Moroco iyo Angola, iyadoo safaaradda Kenya ee dalka Senegal noqon doonto mid qaabilsan dalalka ku hadla Afka Faransiiska ee galbeedka Afrika, iyadoo guddina loo diri doono gobolada bari ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Inkastoo ay dawladda Kenya xafiis hore ugu lahayd magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, haddana xafiiskaasi ma noqon mid si rasmi ah uga shaqeeya danaha labada dal, waxaanay talaabadan ay dawladda Kenya qaadaysaa  u  muuqataa inay wakhtigan oo uu isbedel ka dhacay Somaliya ay Kenya indho feejigan ku eegayso Somaliland.