Dhex Galka Bulshadu Waa Daawo Kaar Jebin Ah Oo Qofka Bukaanka Ah Ka Caawisa In Uu Si Dhaqso Uga Soo Reeyo: Diyaariye Kamaal Axmed Cali

0
948

 

saxddColumbus (Googooska )- Khubaro ku xeel dheer cilmiga neerfayaasha ayaa ogaaday in marka qofka bukaa uu qol kula jiro qof bed qaba oo sheeko iyo xidhiidh dhex marayo uu awood u yeesho in uu xakameeyo cabsida iyo warwarka caafimaadkiisa, taasina ay jidhka ka caawinayso in uu si dhaqso ah uga soo kabto xanuunka.

 

Khubaradan oo muddo wadday daraasado ay ku ogaanayaan saamaynta taban ee qofka buka ay nafsiyan ku yeelanayso in uu kelidii qol jiifo iyo weliba dhibta ay taasi ku keenayso caafimaadkiisa, ayaa ay u caddaatay in mar kasta oo uu qofka bukaa bulsho ku dhex jiro inuu ka caafimaad badnaanayo qofka ay isku xaaladda yihiin ee aan isagu bulsho ku dhex jirin ama kelidii qol jiifa.

Khubaradu waxa kale oo ay cilmi baadhistan ku ogaadeen in sideedaba qofka bukaanka ahi haddii uu bulsho ku dhex jiro uu ka raysto garaaca iyo karaka xanuunka, si ka tayo badan daawooyinka loogu talo galay in lagu dejiyo garaaca, taasna ay noqonayso in dhex galka bulshadu uu qofka buka u noqon karo kaar jebin. Daraasaddani waxa ay marag fiican ka noqonaysaa sida uu caafimaadka nafsiga ah iyo xaaladda nafsi ee uu qofku ku jiraa saamayn ugu yeelanayo caafimaadkiisa jidheed.