Laba Ka Mid Ah Murashaxiinta Beesha Bariga Hargeysa Ee Golaha Deegaanka Oo Isu Tanaasulay

0
734

 

Hargeysa(Geeska)-Laba murashax oo ka tirsan murashixiinta labada urur ee Umadda iyo Wadani uga sharaxan caasimadda Hargeysa ayaa shalay iskaga tanaasulay murashaxnimada, waxaanay go’aankaas ku cadeeyeen xaflad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka qayb galeen madaxdhaqameed, aqoonyahan, siyaasiyiin iyo bulsho kale.

Labadan murashax oo isku beel ka soo jeeda, waxa

murashaxnimadiisii golaha deegaanka caasimadda Hargeysa ka tanaasulay Mustafe Cabdillaahi Yaasiin oo ka sharaxnaa ururka Umadda, waxaanu u tanaasulay Maxamed Warsame Caalin (Timacade) oo ka sharaxan ururka Umadda.

Cali Fayr, oo ka mid ah waxgaradka beesha ay labadan murashax ka soo kala jeedaan, oo halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay Mustafe Cabdillaahi Yaasiin oo uu ku bogaadiyay go’aanka uu qaatay,  “Waxaan xafladan u qabanay maanta [shalay] inaan ku shaacino musharixiinta beesha ee isaga tanaasulay musharaxnimada Golaha deegaanka, waxaanu halkan uga mahad celinaynaa Musharax Mustafe Cabdilaahi Yaasiin oo go’aansaday iyadoo aan cidn ku wehelin inuu Musharaxnimadii Golaha deegaanka ee deegaanka uu ka soo jeedo uga tanaasulo Walaalkii Maxamed warsame Cawaale”ayuu yidhi Cali Fayr.

Murashaxa tanaasulay Mustafe Cabdillaahi Yaasiin, oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “maanta [shalay] waxaan halkan ka cadaynaya anigoo ahaa  Musharax Golaha deegaanka uga sharaxnaa Ururka Umadda inaan Iska casilay Musharaxnimadii iyadoo aan cidina I khasbin arimo ii gaara awgood, waxa kale oo aan cadaynayaa inaan u tanaasulay walalkay Maxamed warsame, ta kale waxaan cadaynayaa inaan maanta garabkiisa iyo gaashaankiisaba ahay oo aanu gacmaha is-qabsan doono.”

Murashaxa loo tanaasulay oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahadceliyay murashaxa uga tanaasulay kursiga Beeshiisa.

Chief Caaqil Muuse Yuusuf Beegsi ayaa isaguna xafladaasi ka yidhi “waxaa iska leh Mustafe Cabdilaahi Yaasiin oo ka mid ahaa musharixiinta Golaha deegaanka oo uu isagu go’aansaday inuu isu sharaxo maantana go’aansaday inuu uga tanaasulo Inaadeerkii Timo Cadde, aqoontaana sidaasa. Odaybaa Inamadiisii la Dardaarmay oo ku yidhi waar Nimanyahow waan dhimanayaaye Kaalay idinla dardaarmeen “waar wax isa siiya waa laysku jeclaadaaye, Isuna Hiiliya inaad isxigtaanbaa  lagu gartaaye,isna taageera, markaa taasaa maanta sidaa ka dhigan”ayuu yidhi.

Garaad Cali Khaliif oo ahaa Odaygii  ugu da’da waynaa Odayaal Dhaqameedyada iyo waxgaradka Xafladaasi ka soo qayb galay ayaa isaguna kelmado duco iyo dar-daaran isugu jira ka soo jeeday Munaasibadaasi “Xafladan waxa la yidhaahdaa Maqaaluf.Inanka Mustafe Cabdilaahi Yaasiin ee ka tanaasulay Musharaxnimada Golayaasha kii ugu liitay waxaan leeyahay ka uu jecelyahay ee ka weyn  ayaan u caleemo saarnay, Inaadeerkiisa uu u tanaasulayna taa uu doonayo ayaan u caleemo saaray I  illahay ku Guuleeyo, waxaan intaasi ku darayaa wuu dhamaaday khilaafkii jiray ee wada shaqayn muuqatay halugu wada shaqeeyo ”ayuu yidhi Oday Garaad Cali Khaliif.