Dawladda Itoobiya Oo Rejo Ka Qabta In Dekedda Berbera Yarayn Doonto Ku Tiirsanaanteedii Jabuuti

0
625

Berbera (Geeska) – Dekedda Berbera waxa laga furay Qayb cusub oo ay ka soo degayaan Koontiinnarada waaweyn ee Maraakiibtu ka soo xambaaraan Dalalka kala duwan ee Caalamka.

Qaybta cusub ee Dekedda Berbera ee Somaliland lagu kordhiyey isla-markaana dhawaan ka furay, ayaa la rejaynayaa inay noqoto Albaabka ugu weyn ee Waraabiya Dalka aan badda lahayn ee Itoobiya.

Sidoo kale, waxa rejo laga qabaa inay ka qayb-qaadato xidhiidhka Ganacsi ee ka dhexeeya Dalalka Khaliijka Carabta iyo Dalalka Bariga Afrika, sida ay baahisay Warbaahinta the citizen ee dalka Kenya.

Dawladda Somaliland oo iskaashi la leh Shirkadda DP WORLD oo ka shaqaysay Horumarinta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, ayaa furay qaybta cusub ee lagu kordhiyey Dedkedda, iyadoo ay goob jog Xafladda furitaanka ka ahaayeen Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide iyo Wasiirka Gaadiidka Dagmawit Moges iyo sidoo kale Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar).

the citizen ayaa War-bixin dheer oo uu ka qoray Qaybta cusub ee lagu kordhiyey Dekedda Berbera, ayaa yidhi “Itoobiya waxay rejaynaysaa in Ternimalka cusub ee Dekedda Berbera uu yareeyo ku tiirsanaanteeda Jabuuti.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay furitaanka Dekedda Berbera markii la ballaadhiyey, ayaa sheegay in ballaadhinta Dekedda Berbera ay fursad dhaqaale oo muhiim ah u tahay Gobolka bariga Afrika

“Terminalkan cusub ee Dekedda Berbera oo uu weheliyo Aaga dhaqaalaha waxay hadda u taagan yihiin inaan sii horumarino dhaqaalaheena, kaasi oo loo marayo korodhka Ganacsiga, soo jiidashada Maalgashiga shisheeye iyo Abuurista shaqooyin..” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, waxaanu intaa ku daray “Dekeddan cusub waxay u adeegi doontaa dalalka aan badda lahayn, sida Itoobiya..”

Itoobiya, ayaa 95% ku xidhan Jabuuti waxay la soo degayso iyo wixii ay dhoofinaysaba sida uu sheegay the citizen, laakiin sida laga soo xigtay Madaxda Somaliland iyo Shirkadda DP WORLD, qaybta cusub ee lagu kordhiyey Dekedda Berbera ayaa kordhinaysa awoodda Dekedda ee dhinaca Koontiinarrada sannadkii ka soo degi kara, waxayna sheegeen inay hadda awood u leedahay in sannadkii ay ka soo degaan ilaa 500.000 kun oo Koontiinarrada waaweyn ah, halkii ay markii hore ay sannadkii ka soo degi jireen 150,000.

Iyadoo ay sidaas tahay, haddana Shirkadda DP WORLD waxay bilaabaysaa wejiga labaad ee ballaadhinta Dekedda, maaddaama oo uu dhamaaday wejigii koowaad ee ballaadhinta Dekeddu, taasi oo ka dhigan in marka wejiga labaad dhamaado ay Dekeddu awood u yeelan doonto inay sannadkii qaabisho 2 Million oo Koontiinar.

Sidoo kale, iyadoo la ballaadhiyey Dekedda Berbera, haddana waxa Dawladda Somaliland waddaa dhismaha Waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya iyo dhismaha Goob Cashuuraha ka caaggan.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Itoobiya, mashruuca waddada oo lagu wado in la dhamaado dabayaaqada sanadkan, ma noqon doonto kaliya waddo loo maro Itoobiya, balse waxa lagu qaban doonaa Adeegyo hufan, maaddaama oo ay Itoobiya ogolaanayso in alaabooyinka ka soo dekedda Somaliland ay galaan dalkeeda.

Bishii hore ee May, Shirkadda DP World, waxay Wasaaradda Gaadiidka ee Itoobiya la gashay heshiis ah inay Waddada isku xidhaysa Berbera iyo Itoobiya ay dhankooda ka soo dhisaan.

Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Dagmawit Moges, ayaa xilligaa sheegtay in horumarinta Waddada Berbera Coridor ay dabooli doonto baahida sii kordheysa ee dalkeeda ee ganacsiga caalamiga ah.

 

Geeska.net/Hargeisa Office