Suudaan Oo Ka Baxaysa Heshiis Uu Ruushku Saldhig Kaga Samaysanayey Iyo Su’aalo La Iska Waydiiyey Qorshaha Xiga & Somaliland

0
633

Hargeysa (Geeska) – Dawladda Suudaan, ayaa ku dhawaaqday inay dib u eegayso heshiis ay la gashay Ruushka, kaasi oo dhigayey in Ruushku uu saldhig Ciidan ka samaysto Suudaan.

Taliyaha guud ee Ciidammada Suudaan Muhammad Othman al-Hussein, ayaa laga soo xigtay in Suudaan ay dib u eegayso heshiiska ay sannadkii hore la gashay Ruushka si uu Saldhig Ciidan uga samaysto halkaasi, waxaanu Taliyuhu sheegay in heshiiska qodobbo ka mid ahi ay khatar ku yihiin Suudaan, sidaasi darteed ay dib u eegis ku samaynayaan, suurto-galna ay tahay inay ka noqdaan “Qaar ka mid ah qodobbada heshiiska ayaa waxyeelo u keenaya Suudaan.” Ayuu yidhi, Taliyaha guud ee Ciidammada Suudaan oo u warramay Blue Nile TV channel, waxaanu intaa ku daray oo uu Shacabka Suudaan xasuusiyey inaan weli heshiiska laga ansixinin Goleyaasha Sharci-dejinta Suudaan, sidaasi darteed aan lagu dhaqmi karin ama aan la bilaabi Karin hirgelinta saldhiggaasi Ciidan.

Sarkaal kale oo ka mid ah Milletariga Suudaan  oo arrintan ka hadlay, ayaa sheegay inaan Go’aanka cusub ee Suudaanka gaadhay uu xidhiidh la leeyahay culays Suudaan kaga yimid Dawladda Maraykanka.

Laakiin, Warbaahinta reer Galbeedka qaarkood, ayaa suáal-geliyey in Somaliland noqon karto Goobta cusub ee uu Ruushku ka samaysan karo Saldhig Ciidan, maaddaama oo Suudaan shaki ka muujisay in Saldhig uu Ruushku dalkeeda ka samaystaa uu khatar ku yahay.

Warbaahinta Modern diplomacy, ayaa War-bixin dheer oo uu arrintan ka qoray wuxuu isku waydiiyey in Somaliland noqon karto dalka kale ee Ruushku ka fushan karo Qorshihii Saldhigga Ciidan ee Suudaan uga hirgeli waayay “Somaliland Beddel Ma u Noqon Kartaa Qorsheyaasha Saldhigga Ciidamada Badda Ee Ruushka ee dhibaatada ku haya Suudaan..” ? ayuu qoray Modern diplomacy, waxaanu intaa ku daray in Ruushku uu Somaliland ku yeelan karo Saldhig la mid ah Saldhig Ciidan oo Imaaraadku ka dhisay Berbera, kaasi oo markii dambe loo rogay xarun rayid, sida ay Warbaahintani sheegayso “Haddii la laalay Qorsheyaashii Ruushka ee Suudaan, ha ahaato Cadaadis uu Maraykanku saaray Suudaan iyo inay mudnaanta Suudaan ku timidba, markaa Ruushku waa inuu tixgeliyaa sidii uu sida dhakhsaha badan u heli Dal Gobolka ku yaalla oo u beddela Suudaan, sidaa darteed waa in la baadhaa khasaaraha iyo Faa’idada ku jirta dhismaha  xarun la mid ah Ta ka jirta Somaliland..”

Warbaahinta Modern diplomacy, wuxuu intaa ku daray in Sannadkii 2018-kii ay faafeen Warar aan la hubin, kuwaasi oo sheegayey inuu Ruushku Saldhig ka samaysanayo Magaalo Xuduud la leh Jabuuti.

Modern diplomacy, wuxuu intaa ku daray in Siyaasaddii Milletari ee Imaaraadku ka damacsanaa Somaliland ay isku rogtay Jihada dhaqaalaha, ka dibna uu furay Albaabadii loo baahnaa, taasina ku timid siyaasadda Hoggaanka Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office