Magacaabistaydii iyo Maagistaydii: Laba isku lammaanaa

9
900

 

BOOBEMaalinnimadii:

Waxaan subaxdii hore ku kallahay Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta. Waqti ku beegnaa ilaa 7.30kii saacadood ee subaxnimo ayaanu bartaa ku kulannay Wasiirkii Wasaaraddaas, Sheekh Khaliil. Bariido ka dib waxaan weydiiyay wuxu ka og yahay Idaacadda FM-ta ee Radio hargeysa la dhex dhigay. Wuxu si deggan oo aan shaki lahayn iigu sheegay:

In uu ka war qabo, uu ogaa in Idaacaddan Radio Hargeysa la geeyay oo lagu jitaabinayay,

In ay ku talo galeen in ay noqoto Idaacatul-Quraan oo Quraanka lagu baahiyo,

In ay Wasiirka Madaxtooyada ay isla og yihiin,

In miisaaniyadda kal-danbe lagu dari doono oo xukuumaddu iibsanayso kol haddii la jitaabiyay,

In ay damacsan yihiin in Idaacadda cusub maalin lala furo,

Wixii halkan ka danbeeya, Idaacaddan cusub ee la dhigay Radio Hargeysa waxay taxanaheennan inoogu suntanaan doontaa Idaacadda Siddeedaad.

Waxba kama waalin Sheekh Khaliil ee waxa keliya ee aan ku idhi waxay ahayd in uu si rasmiya u soo sharciyeysto Idaacadda oo aanay si dhuumasho ah Radio hargeysa ku gelin, inta uu sharciyaddaa soo samaysanayo ka horna laga dhex saaro Radio Hargeysa oo aanay saacad danbe sii dhex oollin. Waan ka tegay annaga oo sidaas ku heshiinnay. Bal ka warran adiga oo xarun aad xukumayso la soo dhigo Idaacad la hadli karta ilaa shacbi ku dhow milyan qof! Yaa mas’uuliyaddaa qaadaya. Alla inta dawladnimada laga garanayaa yaraa. Bad bad aan la gelin baa jirta.

Idaacadda haddi la oggolaadayba in ay dalka timaaddo sow meel walba laguma jitaabin karayn maxaa Wsaaradda Warfaafinta loo la soo doonanayaa?

Laba ka mid ahaa Agaasimayaashii Waaxaha ayaan xilkii ka wareejiyay oo aan ku amray in ay u tiriyaan kuwa ku xiga. Agaasimayaasha aan xilalka u magacaabay mid waan garanayay oo Xuseen Cabdillaahi Deeqsi ayuu ahaa, ka labaad se weligay ma arag mana aqoon ee waxa la ii sheegay in uu ku-xigeen mas’uul ah yahay. Go’aankii Wasiir ee aan maalintaa soo saarayna waa kan ee iga guddooma:

Ref: 05/08/2012ka,

27/8/2012ka,

Ujeeddo: Go’aammo Wasaaradeed

Aniga oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa aan halkan ku soo saarayaa Go’aammo-maamul oo daarran dar-gelinta hawlaha Wasaaradda qaybo ka mid ah. Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in aanu hawada iyo saaxaddaba ka saarno hadal-haynta demi weyday ee lagu saydhinayo Wasaaradda Warfaafinta oo ka mid ah hormoodka hay’adaha Jamhuuriyadda Somaliland oo maamulka iyo hoggaanka Mudane Axmed Maxamuud Siilaanyo, dedaal iyo duunyo badanba geliyay, mana suurtowdo in guulihii xukuumaddan dedaashay loo beddelo guul-darrooyin iyo dacaayado ay ku dawarsadaan ma-kas aan dal iyo dadba muraad ka lahayni.

Waxa kale oo aanu go’aammadan uga gol leenahay in ay digniin u noqoto dad faro-ku-tiris ah oo caadaystay in ay wiiqaan hawlaha Wasaaraddan.

Go’aammada Wasiirka:

Xasan Maxamed Maxamuud: Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka TV-ga Qaranka:

Soddonkii Bishii Juulay, 2012ka ayaa Hanti-dhowr ku waa-bariistay Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, hawl-galkaas oo dhaliyay in Saldhigga kood-buur lagu xidho Xasan Maxamed Maxamuud. Arrintii waxay gashay Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda oo Xasan Maxamed Maxamuud ku sii deysay dammiin. Intaa ka dib warqad u qoran sidii taararkii hore ayuu Hanti-dhowrku noo soo qoray oo ay ku sheegeen:

Tirada lacageed ee Xasan Maxamed Maxamuud lagu soo eedeeyay,

Iyo in aanu hawhiisii geli karin ilaa ay baadhistu dhammaanayso,

Xasan Maxamed Maxamuud Xeerada Warfaafinta in uu soo galo wax fal-denbiyeed ah oo ku jiraa ma jiro oo aan ahayn in aanu hawshiisii hore qaban ilaa inta ay baadhistu dhammanayso. Arrinta Xasan Maxamed Maxamuud hawl aniga ii taal ma aha, umana taallo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo arrin khusaysa ma aha. Waa hawl u taal Hanti-dhowrka iyo Garsoorka Somaliland, waxaana lagu camal-fali doonaa wixii go’aammo ah ee ka soo baxa.

Haddaba maa-daama ay baadhistii dheeraatay, hawlaha xasaasiga ah ee Wasaaradduna u xannibnaan karin, waxaan si-ku-meel-gaadh ah xilkaa ugu magacaabayaa:

Maxamed Sheikh Maxamuud Cawaaleoo ah Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Xisaabaadka ee Radio Hargeysa,

Xuseen Cabdillaahi Deeqsioo ah Madaxa Barnaamajyada ee TV-ga Qaranka, waxaan u magacaabay Agaasimaha TV-ga Qaranka,

Cumar Maxamed Faaraxoo ah Tifaf-tiraha Wargeyska Dawan, waxaan u magacaabay Guddoomiyaha Dawan Media group,

Aniga oo hawshoodii hore ay u soo qabteen uga mahad-celinaya, waxaan si naxariis leh oo weliba debecsan uga codsanayaa Madaxdii xilalkaa hore u haysay in ay Madaxda cusub ee la magacaabay xilalkii ay hayeen ku wareejiyaan, iyaga oo mahadsan ugu danbeyn, 1da bisha Sebtember, 2012ka.

Waxa xilalkaa kala-wareejintooda u xil-saaran in ay fuliyaan Guddida hoos ku qoran:

1. Cabdirashiid Jiibrii Yuusuf: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta,

2. Siciid Aadan Cige: Agaasimaha Radio Hargeysa,

3. Mukhtaar Axmed Sheekh Aadan: Agaasimaha Waaxda Qorshaynta,

 

Fiiro Gaar:

 

Baahida jirta awgeed, Ku-simaha Agaasimaha Waaxda Maaliyadda iyo Xisaabaadka Maxamed Sheekh Maxamuud Cawaale, wuxu hawshiisa bilaabayaa berrito oo ay bishu tahay 28ka, Ogos 2012ka, haddii Eebbe idmo.

Gobannimo dadkaa mudan,

Galladdana Allayska leh,

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe)

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

(La soco…………………………)

Comments are closed.