Dawladda Somaliya Oo Beesha Caalamka Ka Codsanaysa In Somaliland Laga Dhigo Sidooda Oo Kale: W.Q. Cabdiraxmaan Cadami

0
701

Picture11991 kii markii la riday Taliskii digtaatooriga ahaa Koonfurta Soomaliya marnaba may yeelan maamul ama dawlad dhexe oo dalka ka talisa laakiin markasta waxa la maqli jiray koox magac leh oo sheegata ina ay yihiin Dawlad Xukunta Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya midnimaduna ay Muqadas tahay iyaga oo ka jawaabay  go’ooni isu taaga Somaliland  sida Caydiid iyo Cali Mahdi oo qaybo xamar ka mid ah isku haysta, Salbalaadh, Carta, Maxaakiimtii, C/laahi Yuusuf, Shariifyadii, iyo qaar kaloo badan.

Si kastaba ha ahaatee beesha caalamku xil wayn iskamay saarin dhibaatada Somaaliya marka laga reebo faro-geilntii Maraykanka ee la odhan jiray Soo celinta Rajada (Operation Store Hope ) oo u jeedadu ahayd  in mucaawimo raashin ah la gaadhsiiyo Dadkii ku macaluulay Gobolada Baay iyo Bakool oo iyaguna si deg deg ah uga baxay markii Soomaalidu gacantii quudinaysay qaniintay, Xabaal iyo Ninkeed loo kala tag.

Hadaba Dawlad la’aantii, Dagaaladii iyo loolankii kooxaha iyo Colaadihii beeluhu waxay soomaliya ka dhigeen Dhul fawdo ah iyo wadan aan cidina lahayn, cidina ka talin sidaa daraadeed Soomaliya waxay gabaad u noqotay Danbiilayaal Caalamka laga raadinayo,  waxa soo degay ururo xagjir ah oo AL qaacida xidhiidh la leh, waxay ka samaysteen xarumo lagu tababaro Dagaal yahaano Islaamiyiin ah, Soomaaliya waxay noqotay saldhig lagag duulo ama lagu khalkhaliyo amniga Dalalka jaarka ah, waxa kale oo ay ka mid noqotay marinada la sii mariyo maandooriyaha u socda Yurub iyo Waqooyiga America, xeebaha waxa ka dilaacay budhcad badeed khalkhal galisay ganacsigii u kala gooshayay Caalamka,  waxa si joogto ah dilal iyo afduub loola beegsanayay Shaqaalaha birma gaydada ah ee Hay’adaha Samafalka ah; marka arrimaha la soo koobo Soomaliya waxay noqotay wado halaq iyo meel bahalo galeen ah.

Goor danbe beesha Caalamku waxay ku baraarugtay in soomaliya waxa ka socda uu khatar ku yahay xasiloonida Gobolka iyo dunida inteeda kaleba sidaa awgeed waxa si qarbo qarbo ah ama degdeg ah loo soo dhoob dhobay waxa ay ula baxeen Dawlada Federalka Soomaaliya, waxa lagu taageeray Kharash aad u badan iyo 18 kun oo Ciidan Ajanabi ah Ujeedadu waxay ahayd in amnigii iyo kala danbayntii la soo celiyo, iyo in ciidamada iyo Hay’adiihii Dawlada ee Burburay dib loo soo dhiso, in maamulku wada gaadho Gobolada Dalka oo dhan, in loo gargaaro Dad 23 Sanadood ku abaaday Xeryaha Qaxoontiga Kiiniya iyo kuwa Gudahaba IWM.

Hadaba iyagoo ay hawshaasi u taalo Madaxda Soomaliya waxay ka doorbideen oo ay mudnaanta siiyeen in marka hore inta aanay waxba qaban in ay Soomaliland salaanka ka soo tuuraan oo ay dhulka soo dhigaan si ay ula mid noqdaan ama uga hoos maraan iyaga oo isticmaalaya tabo badan oo ay ugu horayso in soomaliland laga jaro xidhiidhka iyo macaamilka ay la leedahay Beesha Caalamka iyo in albaab kasta layska hortaago si looga dhigo Go’doon si ay ugu soo dabcaan wadahadaladii u socday, Qorshaha waxa kula jira wadamo kale oo ka soo hor jeeda Go’ooni isu taaga Somaliland.

Akhriste bal wax yar aynu ku nasano sheekadan gaaban:- Dalka Ruusha wakhtigii nidaamkii dhul goosadku ka jiray ( Feudalism)  waxa ku noolaa nin faqrigu  dishooday ( Peasant) , nasiib wanaag maalin maalmaha ka mid ah waxa uu helay faynuuskii Caalaa’adiin  oo wax kasta oo aad waydiisataba ku siin kara.

Jinkii Faynuuska ku dhex jiray baa ku yidhi: maxaan kuu qabtaa ee aad u baahan tahay.

Ninkii Saboolka ahaa wuxuu yidhi: Bal eeg beertan Ninka ila jaarka aha iyo midhaha kala nooca ah ee uga soo go’ay , bal caruurtiisa eeg nimcada iyo labeenta korkooda saaran, bal fiir naagtiisa quruxda iyo xaragada ay la tiicayso, bal aniga beertayda eeg siday u qalalan tahay  ama ay u  nabaad guurtay, bal darxumada Caruurtayda eeg, bal fiiri xaskayga sida ay u aradan tahay iyo waxa diif ka muuqata.

Jinkii oo ka yaaban xaalada ninkan ayaa ku yidhi: Ma waxaad rabtaa inaan noloshaada ka dhigo tiisa oo kale ?

Miskiinkii baa ugu jawaabay Maya, ee waxaan kaa rabaa in aad noloshiisa ka dhigto tayda oo kale.

maanta waxa sida  ninkaa saboolka ah ka dhigan Soomaaliya oo beesha Caalamka ka rabta in lagu taageero waxyeelaynta Soomaalilnad iyo in laga dhigo sidooda oo kale

Hore waxa u suurto galay inay joojiyaan Isticmaalka Passport-ka Somaliland marka laga reebo dhawr dal oo ka diiday, Wadamada qaar waxay ka ogolaadeen in deeqihii waxbrashada iyo kuwa samafalka ee Somalilnad la siin jiray in iyaga la soo mariyo, waxay culays saareen  Shirkadaha Somaliland lacagta u daabaca , waxay muran geliyeen maamulka hawada soomaliland,  waxay heshiisyo la galeen shirkado ilaaliya Xeebaha Soomaaliya oo ay ku jirto soomaliland, waxay ashkato la daba socdaan shirkadaha  sahaminta shidaalka ka wada soomaalilnad.

Hala yaabina hadii aad maqashaan waxay codsadeen in madaxda soomaliland laga xayiro safarada dibada ama in lagu daro liiska argagaxisada,

Si kastaba ha ahaatee su’aasha laysla dhex marayaa waxay tahay xukuumada Somaliland ma ka hor tagi kartaa duulaanka Diblumaasiyadeed ee soomaaliya?  Dadka qaar baa waxay ku jawaabeen maya  waxay ku doodayaan in siyaasiyiinta soomaliland muxaafid iyo mucaaridba aanay waxba kala socon ama anay wax badan ka ogayn shirqoolada loo maleegayo dalkood iyo duulaanka ku soo maqan.

Xukuumadu cadawga dalkaba waxay u haysataa muwaadiniinta siyaasadeeda dhaliila iyo saxaafada madaxa banana  kuwa mucaaridkuna waxay cadawga ummada u haystaan Madaxweynaha la soo doortay iyo raga la shaqeeya , midkoodna cadaw kale uma muuqdo, mana oga, hees Abwaankii waynaa ee Cismaan …. Askari waxa ku jiray  Isma og  Udbihii bay aslaysaa ismana oga.

Aqoon yahan sare oo ka mid ah dadka u ololeeya qadiyada Soomaliland isaga oo siyaasiyiinteena ka biyo diidsan wuxuu yidhi: “ In Somaliland the struggle would become more about the politicians than about the future of their country”, macnuhu wuxuu yahay siyaasiyiinta soomaliland ahmiyada ay siiyaan tartanka iyo isqabqabsiga dhexdooda ma siiyaan mustaqbalka iyo horumarka dalkooda, horena waxa loo yidhi : “ rag isku qaybay, rag kuma qaybaan”, Dadka qaar kale ayaa ku jawaabay oo ku qaba kalsooni inay soomaliland iska caabiyi karto duulaanka soomaaliya laakiin waxay ku xidheen dhowr shuruudood oo ka mid noqon kara cududa iyo u diyaar garawga dagaalka oo kala ah:

In Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland Mudan Axmed Siilaanyo hogaamintiisa wax ka bedelo iyo inuu jeexo siyaasad iyo qorshayaal cad cad oo dalka lagu maamulo oo fulintooda shacbigu kula xisaabtamo isna raga uu igamaday kula xisaabtamo

In dib u habayn lagu sameeyo guud ahaan maamulka dawliga ah gaar ahaan sector-ka dhaqaalaha iyo garsoorka iyo Madaxweynuhu inuu ka dhabeeyo la dagaalanka musuqmaasuqa iyo in la saxo hakadka galay geedi socodkii Dimuqraadiyada.

Mucaaridku dhankiis waa inuu la yimaado barnaamij iyo aragti siyaasadeed oo ka mug weyn xilfatanka hoose iyo in hadba la soo abaabulo xiisad iyo muran lagu jahawareerinayo Dadweynaha.

Xisbiyada qaranku waa in loo habeeyaa kuwo sal balaadhan oo dimuqraadi ah waa in laga gudbaa xisbi qof , koox ama beel loo aaneeyo si loo helo mucaarid macno leh

In la hakiyo wadahadaladii u socday soomaaliya iyo soomaliland sababta oo ah soomaaliya maanta ma aha Dal xor ah oo madaxbanaan waxa xukuma wadamada Afrika ee ciidamadu ka joogaan iyo dawladaha kharashka bixiya, madaxda soomaaliyana waa magac u yaal isla markaan daacad kama aha wadahadalada sidaa daraadeed waa wakhti lumis iyo in lagu hoosaasiyo soomaliland

 In bulshada soomliland ee iskala qaybinaysaa ama lakala qaybinayaa fahamto inay dooni wada saaran tahay oo hadii ay dalooshanto dhamaantood ay la dagayso.

Iyo ugu danbayn in wasiirka cusub iyo wasarada arrimaha dibadu xukuumada u soo diyaariyaan qorshihii iyo istaraatiijiyadii  lagaga hortagi lahaa ololaha diblomaasiyadeed ee cadawga iyo in lala socodsiiyo wadamada xidhiidhka fiican iyo iskaashiga la leh soomaliland.

C/raxmaan Cadami

abdirahmaanadami@yahoo.com