Dawladaha Dunida Oo Raggu Ku Saamayn Badan Yihiin Ayaa Weli Ku Dhici La’ In Ay Gabadh U Doortaan Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

0
734

1New York (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Arjentiina Sawsaana Malkowra oo u sharraxan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in weli dunida ay ku adag tahay in ay gabadh u doortaan madaxa Qaramada Midoobey. “Codaynta weli waa lagu takoorayaa dumarka” ayaa ay tidhi Sawsaana oo ah 61 sano jir mar agaasime ka ahaan jirtay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey. Mar ay u warramaysay majaladda Clarin ee ka soo baxa dalka Argeninta, waxa ay intaas ku sii dartay, “Mar kasta caqabad yar ayaa hor taalla dumarka, xitaa haddii ay mansabkan u qalmaan karti iyo aqoon ahaan. Innaga oo arkayna in maanta gabadh keliyi ay ka mid tahay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobeyna waa ay adag tahay in la ilaaliyo isu-dheeli-tirnaanta iyo sinnaan” Waxa aanay hoosta ka xariiqday in nidaamka doorasho ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey aanu ahayn mid dimuqraadiyad toos ah ku yimaadda.

Illaa hadda raysalwasaarihii hore ee dalka Bortuqiiska Antonio Guterres oo muddo lix sano ah madax ka ah haayadda Qaxoontiga ee Qaramada Midoobey (UNHCR) ayaa illaa hadda ugu rajo badan dadka u ordaya in ay xilka uga dambeeyaan xoghayaha Qaramada Modoobey ee Ban Ki Moon sida laga arkay codayntii labaad ee golaha ammaanka oo dhacday bilowgii bishan aynu ku jirno ee Ogosto, halka ay Sawsaana ka gashay kaalinta saddexaad.

Si kastaba ha ahaato ee Sawsaana waxa ay sheegtay in shakhsiyan aanay weli ka quusan inay xilkaas ku guulaysan karto, raallina ay ka tahay kaalinta saddexaad ee ay gashay oo ah tii ugu sarraysay ee ay gaadho haweenay kursigan murashaxad u ahi.

Tartankan loogu jiro kursiga uu bannaynayo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey bisha innagu soo socota ee Sabtembar dumarka kale ee doorkan u ordaya waxaa ka mid ah raysalwasaarihii hore ee dalka New Zealand, Helen Clark iyo agaasimaha guud ee haayadda UNESCO Irina Bokova.

Sida caadiga ah xubnaha 15ka dal ee golaha ammaanka Qaramada Midoobey ayaa codayn qarsoodi ah ku soo doorta xubin ay u soo xulaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, si ay ugu gudbiyaan kulanka guud bisha Sabtembar ay isugu yimaaddaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.