Dawlad Ragga Guurka Minyarada U Diyaarka Ah U Samaysay Barnaamij Talefan Oo Ay Ku Soo Xulan Karaan

0
1067

Jakarta (Geeska)- Ayopoligami waa barnaamij cusub oo ku shaqaynaya talefannada gacanta. Bishii aynu soo dhaafnay ayaa ay dawladda Indooneesiya samaysay si ay ragga dalka ee xaaka hore leh, balse minyaro doonka ah u fududaysayo in ay raadsadaan xaas labaad, saddexaad ama afaraad iyaga oo aan samayn haasaawihii hore loo yaqaannay.

Barnaamijkan cusub oo aad ugu dhow barnaamijka ‘Trinder’ ee Facebook oo isagu dadka macaamiisha Facebook ka mid ah u fududeeya in ay isbartaan iyo in ay sheekaystaan iyada oo aanay qarsoonayn halka uu mid kasta oo ka mid ah joogo.

Lendu Septa Pranayama waxaa hal-abuurkiisa iska leh haweenayda lagu magacaabo Lendu Septa Pranayama. Wargeyska  Dernier Noval Dallas oo ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa ku warramay in markii barnaamijkan cusub la sii daayey uu durbadiiba kasbaday macaamiil aad u tiro badan, toddobaadkii ugu horreeyey sii deyntiisana ay dad ku dhow Soddon kun oo ruux ay ku soo dejisteen talefannadooda casriga ah ee gacanta. Waxa se markiiba ka hortimid cabasho weyn oo khatar gelisay sii jiristiisa, taas oo ah in dadka isticmaalaya ee ugu badani ay yihiin dad samaystay akoonno been abuur ah ujeedadooduna tahay in ay haasaawaha dhaqan xumada ah ay u adeegsadaan. Arrintaas oo sababtay in ninka iska leh barnaamijkani uu tirtiray dhammaan akoonnadii ka furnaara.