London (Geeska)- Cuntada dabadeed calool olol weli ma isku aragtay?! Waxaa dhici karta in aad isku aragtay biyo kulul (Asiidh) oo calooshaada inta ay ka soo noqdaan ay hunguriga soo gaadhaan, gaar ahaan marka aad jiifsato adiga oo dheregsan. Dad badan ayaa arrintan isaga arka uun dhibaato yar oo xalkeedu ku xidhan yahay keliya in uu cuno dawada laab ololka ee asiidhka dejisa, (Antacid), laakiin waa arrin qaldan in sidaas loo fikiraa.
Asiidhkaas ama biyahaas kulul ee dhuunta caloosha kaga soo noqdaa waa digniin uu jidhku kugu dareensiinayo in ay wax qaldan yihiin. Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo akhriyey degelka Internet ka ee Human and Health oo ka faallooda arrimaha caafimaadku waxa uu iftiiminayaa muhiimada ay asiidhka calooshu leedahay iyo sida loo tijaabiyo loona cillad tiro heerka asiidhka caloosha.
Maxay qabataa asiidhka calooshu?
Asiidhka calooshu waxa ay caawisaa dheefshiidka, oo ah in calooshu ay cuntada u burburiso qaybo yaryar oo uu nuugi karo ama jidhku dibadda isaga saari karo. Molekuulladaas (Burburkaas yaryar) waxa uu jidhku uga faa’idaysta samaysanka unugyada cusub iyo abuurista tamarta.
Asiidhka calooshu waa isku dhis ka samaysma asiidho iyo dheecaanno kala duwan oo uu soo saaro unug ku jira calooshu, in kasta oo ilkaha iyo qaybo kale oo jidhkeenna ka mid ahi ay caawiyaanna, asiidhkani isaga ayaa qabta inta badan ee hawsha cunto shiidista.
Dhibaatada ka dhalan karta Asiidhka caloosha oo yaraada:
Waa run in dawooyinka aynu u cunno dejinta Asiidhka caloosha oo ah dawooyinka Gaasterigu ay daweeyaan ama yareeyaan asiidhka caloosha, firfircoonidiisana dhimaan, laakiin waa in aynu maanka ku hayno in Asiidhka caloosha ka soo noqonaya (Biyaha kulul ee dhuunta dib ugu soo noqdaa) ay sidoo kale ku iman karaan asiidhka oo caloosha ku yaraaday awgeed, oo aanu mar kasta oo aynu asiidhkaas aragno xaaladdaas soo noqoshada asiidhku aanu macnuhu ahayn in asiidhkii ku batay caloosha.
In calooshu ay weydo asiidh ku filan waxaa cilmigu uu afka qalaad ku yidhaahdaa Hypochlorhydria waxa aanay keentaa in marka calooshu ay weydo asiidh ku filan oo ka caawisa burburinta cuntada, sida aynu sheegnayna aanay ilkaha iyo qaybaha kale ee dheefshiidku ku filnayn burburinta loo baahan yahay, waxaa dhacaysa in cuntadii oo aan shiidnayn caloosha ku kaydsanto, kadibna khamiirto, khamiiristaasina ay keento gaasta. Gaastaas oo marka ay ururto kadib dib ugu soo noqota hunguriga, kuna dambaysa laab-olol.
Maxaa keena in asiidhku ku yaraado caloosha?
Xaaladda laab-ololka ama laa-dillaaca (Laab-jeex) hadba sida aad u taqaannaa waa xaalad aalaaba ay dadku isku arkaan, balse ay warkeeda ku dhaafaan in uu gaasteri ku kacsan yahay uun, iyaga oo kula tacaala sida aynu kor ku soo sheegnay dawada asiidhka dejisa. Laakiin waxa taas ka muhiimsan in qofku uu ogaado waxa marka horeba keenaya xaaladdan si uu uga hortago in ay ku timaaddo. Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay soo bandhigaysaa dhowr ka mid ah sababaha keena xaaladdan, waxa aana ka mid ah:
– Cuntada oo aad la isaga dhergiyo, iyo si degdeg ah oo cuntada loo cuno. (Iyada oo aan calaaliska laga dhergin)
– Sakati iyo qulub (Isku-buuq) iyo xaaladaha la mid ah ee nafsiga ah oo qofka muddo dheer haya.
– Cabbista Alkoosha, iyo soodhaha.
– Cuntada barootiintu aad ugu badan tahay. Gaar ahaan hilibka xoolaha, cuntooyinka caanaha laga dheegto sida jubnadda roodhida la marsado, cuntooyinka dufanka badan leh iyo cuntada qasacadaysan.
– Sigaar nuugistu waxa ay dhaawacdaa qaybo badan oo ka mid ah hab-dhiska dheefshiidka, waxa aanay hoos u dhigtaa xawaaraha iyo awoodda ay calooshu u leedahay is-daweynta iyo baanashada nabarrada soo gaadha dahaadhka caloosha. La soco…