Donald Trump Oo Aqbalay Murrashaxa Xisbiga Jamhuuriga

0
762

Donald J. Trump ayaa habeen hore xisbiga Jamhuurigu uu u caleemo saaray inuu noqdo musharraxa Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka.

1

Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay shirweynaha Jamhuuriga ee Cleveland, wuxuu ku aqbalay magacaabista, kadibna wuxuu soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee marka uu xilka qabto.

Trump wuxuu ka hadlay rabshadaha dhawaan ka dhacayay Maryakankan ee dhinaca midabka ku saleysan, isagoo sheegay inay taasi dhammaan doonto.

"Danbiyada iyo rabshadaha xanuunka ku haya dalkeena, way dhammaan doonaan – Laga bilaabo bisha Janaayo 20-keeda, 2017, amniga waa la soo celinayaa " Trump ayuu yidhi"

Donald Trump wuxuu shacabka Maryakanka u sheegay inuu yahay musharraixii sharciga iyo kala danbeyta.

Donald Trump, wuxuu ka hadlay amni darada dunida ka jirta, wuxuuna ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay Hillary Clinton, isagoo sheegay in Madaxweyne Barack Obama magacaabistii uu Hillary u magacaabay XAD uu ka shallaayay.

Wuxuu yidhi "Hillary go'aan xumadeedu waxay sabab u tahay masiibooyinka maanta dunida haysta"

Trumo wuxuu dadka Maraykanka la wadaagay qorshiisa uu Maraykanka u ugu talagalay oo uu sheegay in uu yahay mid uu Maraykanka kaalinta koowaad ka dhigayo.

Trump, wuxuu sheegay in faqiirnimada iyo rabshadaha uu Maraykanku u wajahayo, iyo dagaallada iyo burburka dunida ka taagan, ay sii jiri karaan oo kaliya haddii lagu tiirsanaado siyaasiyintii iyagu arrimahan abuuray.

Donald Trump ayaa imika wuxuu bilaabayaa doorashooyinka guud ee Marayanka, oo uu la tatami donna Hillary Clinton oo iyadana toddobaadka danbe dimoqraadigu ay ku caleemo saari doonaan Philadelpia.