Faa’idooyinka Caafimaad Ee Jimicsigu Uu U Leeyahay Hooyada Uurka Leh Iyo Ilmaha Ay Siddo

0
1098

1Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo dalka Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in jimicsigu uu faa’ido u leeyahay hooyada uurka leh iyo ilmaha ah siddo, si isku mid ah, isla markaana aanay waxba ka jirin fahamkii hore u sheegayey in uu keeni karo in hooyadu ay ilmaha dhiciso.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Tomas Jefferson ee dalka Maraykanka ayaa baadhistan kadib beeniyey digniinihii hore ee sheegayey in jimicsigu uu sababo in jidhku uu soo saaro maaddo kiimikaad oo sababta in ilmo-galeenku soo ururo, taasina ay keenayso in ilmuhu soo dhaco. Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in inta badan daalka jidheed iyo ka nafsiga ah ee hooyadu ay xilliga uurka dareentaa uu ku beero wahsi keena in ay jimicsan weydo, waxa aanay sheegeen in ay jiraan jimicsiyo hooyada u fudud oo arrintaas lagu daweyn karo, kuwaas oo ay ka mid yihiin socodka, dabbaasha iyo in qofku gacmaha iyo lugaha oo keliya ka jimicsado.

Daraasad hore ayaa iyaduna iftiimisay in hooyada uurka leh oo toddobaadkii laba jeer jimicsata uu ka hortag uga noqonayo dufanowga beerka oo inta badan dumarka ku dhaca marka ay dhaafaan da’da dhalmada.

Si guud marka loo eego haayadda caafimaadka adduunka ee WHO waxa ay dhaliyarada iyo carruurtaba kula talisaa in ay jimicsadaan hal saac maalin kasta iyo in ciyaarahooda iyo jimicsiyada jidh dhiska ah ku sameeyaan meel hawadeedu furan tahay. WHO waxa ay sheegaysaa in jiicsiga jidhku uu da’ yarta ka caawiyo in ay si fiican u koraan lafahooda, muruqyada xaglaha, wadnaha sambabada.

Daraasad kale oo iyadana lagu sameeyey dalka  Kanada ayaa daahfurtay in jimicsiga hooyada uurka lihi uu koriyo bisaylka maskaxeed ee ilmaha ay siddo, isla markaana si weyn u koriyo awooddiisa maskaxeed. Sida uu Geeska Afrika ka soo xigtay Al-Carabiya, cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Montreal ee dalka Kanada waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in hooyada uurka leh jimicsiga ku filani uu yahay 20 daqiiqo oo xidhiidh ah, saddex maalmood tododbaad kasta.

Digniin Caafimaad:

Cilmibaadhayaasha kala duwan ee daraasadahan sameeyey waxa ay iska daba mareen muhiimadda lagama maarmaanka ah ee ay leedahay in gabadha uurka lihi jimicsiga ka hor ay la tashato dhakhtarkeeda, si uu ugu fasaxo isla markaana ugala taliyo hababka ugu fiican ee ay u samayn karto.

Waxa kale oo ay khubaradu ka digayaan in hooyadu ay jimicsiga samayso saddexda bilood ee ugu horreeya uurka, iyaga oo sheegay in muddadaasi ay tahay inta uu ilmuhu koritaanka wado kuna xasilayo makaanka.

In kasta oo ay khubarada caafimaadku isku waafaqsan yihiin in bilaha ugu dambeeya ee uurka uu jimicsigu u fiican yahay caafimaadka hooyada, isla markaana kaalin weyn ka qaato fududaynta umusha, waxase weli jira xaalado ay sheegeen in aanu jimicsigu u fiicnayn hooyada uurka leh waxa aana ka talin kara dhakhtarka xaalkeeda la socda.