Dawada Antibaayootiggu Waxa Ay Carruurta Ku Keentaa Xiiq, Xasaasiyad, Sanboor Iyo Khataro Caafimaad Oo Badan

33
3405

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa ka digay khatarta caafimaad ee dawooyinka ‘Antibaayootiga’ iyo Kuwa Asiidhka caloosha lagu yareeyaa ay u leeyihiin ubadka yaryar, waxa aanay magacaabeen qaar ka mid ah xanuunnada ay dawooyinkani ku keenaan carruurta, gaar ahaan kuwa ay da’doodu ka yar tahay lixda bilood.

Xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda caafimaad oo uu milaterigu leeyahay iyo xarunta caafimaadka milateriga ee Eisenhower ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in isticmaalka dawooyinka ‘Antibaayootigga’ iyo dawooyinka asiidhka caloosha lagula dagaalamo ay khatar ku yihiin carruurta aad u yaryar, maadaama oo ay u badan yihiin in ay ilmaha ku keenaan xanuunnada xasaasiyadda iyo xiiqda. Waxa kale oo ay cilmibaadhayaashu sheegeen in dawada Antibaayootigga oo muddo ilmaha la siiyaa ay sababto in jidhkiisu uu awood u yeesho iska caabbinta dawadan, sidaa awgeedna aanay dawadu waxba u tarin marka dambe.

Dhakhaatiirta cilmibaadhistan sameeyey waxa ay natiijadan heleen kaddib baadhis caafimaad oo ay ku sameeyeen carruur tiradoodu ka badan tahay 800 oo kun, oo dhashay sannadihii u dhexeeyey 2001 illaa 2013, kuwaas oo lagu daweeyey cisbitaalkan daraasadda sameeyey. Waxa ay baadhisahan caafimaad muujiyeen in tiro ka badan kala badh carruurta iyaga oo lix bilood ka yar la siiyey dawooyinka Antibaayootigga ama dawooyinka asiidhka caloosha lagu arkay xanuunka sambabada ku dhaca ee xiiqda, ama / iyo xasaasiyadda maqaarka ama sanboor, xaaladahaas oo ay kaga badan yihiin carruurta da’dooda ah, xaalad ahaanna isku midka yihiin laakiin aan iyaga la siinin dawooyinkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here