Daruuraha News: Shabakad Cusub oo Kusoo Korodhay Warbaahinta Somaliland

0
541

Hargeysa (Geeska) – Waxa magaalada Hargeysa lagu daahrufay shabakad warbaahineed cusub, taasi oo ka hawl-gali doonta inta badan dhulka Soomaalida gaar ahaan dalka Somaliland, waxaana shabakaddan loogu magac daray DaruurahaNews.com.

1

Maamulka warbaahinta ayaa sheegay inay xoogga saari doonaa wararka arrimaha bulshada iyo warar xaqiiqo ah oo dheelitiran isla markaana ay waxbadan kusoo kordhin doonaa warbaahinta Dalka.

Shabakaddan cusub ayaa waxa ay kamid noqonaysaa boqollaal shabakadood oo ka hawl-gala gudaha dalka Soomaalilaand iyo guud ahaanba dhulka Soomaalida.