Siyaasi Jaamac-shabeel Oo Siyaasiyiinta Somaliland Uga Digay Wax Kasta Oo Qaranimada Lid Ku Ah

0
595

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel),ayaa sheegay in aanay dib u dhici doonin midnimo dhexmarta Somaliland iyo Spomaaliya, waxaanu guud ahaan Siyaasiyiinta reer Somaliland uga digay wax kasta oo qaranimada dhaawac ku ah. 

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Somaliland muddo hadda laga joogo soddon sanno ayay ka madax-banaan tahay Soomaaliya, madax banaanidana bilaash iyo ciyaar kumay iman ee dhiig baa u daatay, oo dad baa inagaga dhintay, madax banaanideenana waa mawqif ay Shacabka reer Somaliland isla qaateen, cid wax ka beddeli kartaana ma jirto, ee Madaxweyne Soomaaliya ka taliya oo wakhtigiisa dhammaaday iyo Siyaasi ka soo jeeda Somaliland toona waxba kama beddeli karaan Mawqifka Shacabkayaga, wixii naga soo maray Soomaaliya maanu iloobin, mana iloobi doono, hagardaamada ay noo geysteena waanu xasuusan nahay, markii horeba waxaynu kala ahayn laba dal, maantana waxaanu kala nahay laba dal, ee cid kasta oo tidhaahda Somaliland iyo Soomaaliya ma kala maarmi karto, waa cid iska hadashay, oo siyaasadda ku saaqiday, ee Siyaasiyiinta Farmaajo iyo Soomaaliya jecel way u tagi karaan, oo iyagoo cid aan matalin ayey u tagi karaan, ama difaaci karaan, waana cid Soomaaliya u shaqo tagtay, laakiin halkani waa Somaliland,halkana lagama ogola wax kasta oo dhabar jab ku ah qaranimada Somaliland”.

Dhinaca kale, wuxuu ku baaqay in la daryeelo oo wax loo qabto Ciidamada qaranka, wax kasta oo ay tabanayaana laga haqab tiro, waxaanu si gaar ah tallooyin muhiim ah ugu soo jeediyey Taliyaha Ciidanka Qaranka, waxaanu kula taliyey inuu wax walba ka door bido baahida Ciidankiisa. 

Geeska.net/Hargeisa Office