Wasiirka Maaliyadda Oo Iska Difaacay Eeddo Musuqmaasuq Oo Warbaahintu Ku Xidhiidhisay

0
622

 

Picture3Hargeysa( Geeska )- Wasiirka wasaarada maaliyada Md.Cabdicasiis Maxamed Samaale,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay urur diimeedyada lagu xidhiidhiyo inuu ka mid yahay, isaga oo arintaas ku tilmaamay mid siyaasadaysan, balse waxa uu ku faanay inuu yahay nin diimeed.

Wasiir Samaale waxa kale oo uu ka hadlay gaadiid ay warbaahintu ku qoreen in wasaaradiisa iyo ta madaxtooyadu ay ku naasnuujiyeen dad qaraabo la ah qoyska madaxtooyada, waxaanu meesha ka saaray in wasaaradiisu ay wax gaadiid ah soo iibsatay isaga oo  balan qaaday in haay’ada qandaraasyada ay marin doonaan waxii gaadiid ah ee ay damacaan inay soo iibsadaan, halka uu wasaaradaha kale ee gaadiidka soo iibsaday uu sheegay inay tahay in iyaga iyo haay’ada qandaraasyad aarintaas la waydiiyo.

Ugu danbayntiina waxa uu wasiirku ka hadlay 1500 oo shaqaale ah oo wasaaradiisu ay ku dhawaaqday inay xukuumadu ay qaadan doonto kuwaas oo uu sheegay intoodii badnayd ay qaateen mushaharkiina ay u bilaabeen. Waxaanu wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale sidan ku sheegay  shir jaraa’id oo ku qabtay xafiiskiisa, waxaan ugu horayntii isaga oo ka jawaabay su’aal gaadiid xukuumadu soo iibsatay waxa uu yidhi“ Warkaas waa ii saxafada horteedna maan maqlin waxaanan jeclaa in intaan la qorin wax nala waydiiyo, wasaarada maaliyadu miisaaniyadbay masuul ka tahay wasaaraduhuna bajad ayay leeyahiin wasaaradu bajadka ay leedahay sida loogu talo galay inay u istimaasho ayaanu ku kaantaroolnaa anagu wasaarad maaliyad ahaana bajadbaanu leenahay bajadkaasna sida loogu talo galay inaanu u maamulno ayuu wajibkayagu yahay, markay wasaarad wasaaradaha ka mid ah ay bajad soo codsato sida uu bajadkeedu u yaalo ayaanu u siinaa, haay’adahuna shaqooyin ayay kala leeyahiin oo wasaarada maaliyadu shaqo ayay leedahay wasaaradaha iyo haay’adaha kalena shaqo ayay leeyahiin wasaarada maaliyaduna ma faro galin karto.” “Markaas runtii hawsha ku saabsan qandaraasyo ay wasaarada maaliyadu bixisay iyo gaadiid ay wasaarada maaliyadu soo iibisay oo hanti umadeed lagu lunsaday warkaasi waa been aan sal iyo rad toona lahayn. Horta waa mide hadii gaadiid la soo iibiyay hanti la lunsaday maaha oo gaadiid ayaa la soo iibiyay, hadii ay tahay haay’adii qandaraasyada ayaanay marina baabuurtaas la soo iibiyayna cid gaar ah ayay qusaysaa oo wasaarada maaliyada ma qusayso waxii qandaraasyo ahi, hadii ay tahay gaadiid ay wasaarada maaliyadu soo iibsatay oo aan haay’ada qandaraasyada marin hala keeno cadaynteeda, waa mid aan jirin, wasaarada maaliyada ayaa qandaraasyo baxindoonta tuugo ah oo aan wali la gaadhina taasi waa been loosii badheedhayo in la sheego.”

Wasiirka oo hdalkiisa siiwataa wax auu yidhi “ Haday tahay wasaarad kale gaadiid ay iibsatay ma qusayso wasaarada maaliyada wasaarad kale gaadiid waa ay iibsan kartaa oo bajadka way ugu jirtaa , wasaarada maaliyaduna bajadka ayay ku kaantaroolaysaa, markaas haday wasaarad kale iibsatay wasaarad maaliyada ma qusaysee in wasaaradaas la waydiiyo weeye iyaduna siday wax u jiraan ayay uga jawaabi.waxaan hawshaas kaga baxayaa warka sheegaya wasaarada maaliyada ayaa gaadiid iibsanaysa oo qandaraas ku baxisay war  sal iyo raad toona leh maaha, haday baabuur iibsanaysana wax haay’adaas qandaraasyada mara ayuu noqon  doonaa hal baabuur wasaarada maaliyadu haday iibsato haay’adaas qandaraasyada uunbuu marysaa, wasaarad kale waxii khuseeyana in wasaaradaas la waydiiyo weeye.”

Wasiirka maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay urur diimeedyada la sheego inuu ka tirsan yahay, waxaanu isaga oo ka jawaabaya su’aal arintaas la xidhiidha uu yidhi “ Dadkeena damaca siyaasiga ah ceebayn badan ayuu leeyahay qofku marku uu xil qabto dad badan oo markii hore jeclaa ayaa xilkaas uu qabto ku naca ama ku dhaleeceeya, mararka qaarkoodna damaca ayaa iska horyimaada oo booskan aad tagtay ama aad tagayso dad badan oo kale ayuu hamigooda iyo dareenkoodu ku jiray, markaas dareenkii iyo rabitaankii ayaa iska hor imanaaya dabeedna qof meel doonayay meeshii uu doonayay markaad adigu buuxiso waxa yimaada hirdan siyaasadeed, hawsha siyaasadeed ee diinigaas la xidhiidhaa waa ay cusub tahay waxaanay la kawsatay maalintaan ku dhawaaqay inaan musharax madaxweynaha isku taagi  doono waxii ka danbeeya madaxweynaha maanta jooga arintaasna maalintaan si badheedh ah u sheegay meelo badan ayaa uu dagaal ka yimi, wax jawaabana meel kama baxin, Waxaanan u arkaayay inuu hirdan siyaasi ah uun yahay, waxaan saxaafada u sheegayaa cabdicasiis ahaan diinta islaamka waan ku faanaaye kama faano, xiligii dawladii hore ee Rayaale mar uu madaxweynuu sheekhnimada igu yara duray jawaabtaan ka bixiyay waad ogaydeen, marka qofku uu isku dayo inuu diintaada hoos kuugu dhigo diinta waa lagu faanaa ee lagma faano, korbaa loogu kacaaye hoos looguma kaco, markaas inaan diinta wax ka aqaano oo aan shaqsi diiniya ahay marnaba dafiri maayo ee waan ku faanaa, khudbado ayaan akhriyaa dadkana diintaan ku waaniyaa, hadii diinta laygu dhaleeceeyana mid ay gubayso ma’ihi.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa wax auu yidhi“ Maalintaan wasaarada maaliyada imi ilaa maanta oo aan tilmaamay waxyaabaha ka sii danbeeya dagaalo aad u badan ayaa jira oo jaraa’idka ah oo ashqaas iyo dad la adeegsado ah maalmaha qaarkood wax aanad shaqoba ku lahayn ayay sheegayaan oo maalin kaliyaata jawaab ka maan bixin. Waxaan idiin sheegayaa nin diintiisa ku faanaya ayaan ahay laakiin ururada diiniga ah ee laga hadlaayo urur diiniya oo aan ka mid ahay ma jiro, waxaan ahay shaqsi Somalilandder ah oo u dhaartay Somaliland kuna hagaaya mabaadiideeda oo ku haga, baarlamaan hadaan joogay iyo maanta hadaan joogaba.  Waad ogaydeen maalmahii ugu danbeeyay xukuumadii Daahir Riyaale waxa idaacada laga sheegay Cabdicasiis Maxamed Samaale,Maxamed Xaashi Cilmi iyo Gaboose sadexduba inay Al-shabaab yahiin, Al-shabaab alle ayaanu ka magan galnay waxaana laga yaabaa dadka ay maanta cadaawada u hayaan inaanu ka mid nahay, ana maan ahayn iyaguna may ahayn waxaad is  odhanaysaa taariikhada mararka qaarkood maxaa soo dadajiya hadalkaasu waxa uu mar labaad soo noqday markaan sheegay hankayga madaxweyne-nimada hawshaas horena waxay dhacaysay maalmahii doorashada oo codka Kulmiye helaayay loo diidayay kamaan jawaabin maalintaas laakiin umadu waxay tidhi waxay yidhiin yaanu noonaynaa, waxaanan qabaa inay arintani tahay mid siyaasada uun la xidhiidha.”

Ugu danbayntii wasiirku isaga oo ka hadlaaya shaqaale kun iyo shanbaqol ah oo xukuumadu ay qaadnaysay waxa uu yidhi  “ 1500 ( Kon iyo shan bol ) ee shaqaalaha ahaa waxay u badnaayeen wasaaradaha waxbarashada,caafimaadka,maaliyada iyo wasaaradaha kale oo wasaarad waliba ay qayb ku lahayd  laakiin inta ugu badan shaqaalahaasu waxay ahaayeen wasaarada waxbarashada iyo caafimaadka labadaas wasaaradood iyo wasaarada maaliyaduba si toos ah ayay u qaateen shaqaalahii loogu talo galay waanan bixinay mushaharkii bishii koowaad tii labaad iyo tii sadexaadba, guud ahaan shaqaalahaasu sidii loogu talo galay ayay u socdaan wasaaradaha badhkood ayaan wali iyagu qaadan ayaa jira, laakiin bajadku sidii aanu ugu talo galnay ayuu u socdaa 1500 inay ka bataan mooyaane shaqaalaha cusub ee dawladu qaadanaysaa kama yaraanayaan.”