Daraasad Ka Deyrisay Mustaqbalka Caafimaad Ee Dumarka Guursada Rag Aad Uga Da’ Yar Iyo Sababta

0
1136

Berlin (Geeska)- Daraasad dhowaan lagu sameeyey dalka Jarmalka ayaa dumarka uga digtay in ay guursadaan rag ka da’ yar, haddii kale ay khatar ku keeni doonto caafimaadkooda. Daraasaddan uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay oo dhowaan tafaasiisheeda uu baahiyey Joornaalka Demographia ayaa lagu sheegay in dumarka guursada rag aad uga da’ yari ay inta badan u dhowdahay in uu ku dhaco cimri degdeg boqolkiiba 20 da’dooda soo gaabiya.

Daraasaddan oo lagu saleeyey xogo tiro-koob oo laga ururiyey warbixinnaha caafimaad ee lammaanayaal tiradoodu ku dhowdahay 2 Milyan oo u dhashay dalka Denmark ayaa ku talisay in caafimaad ahaan ay fiican tahay in lammaanaha is guursanayaa ay da’ ahaan isu dhowaadaan. Sven Dreffahl oo ka tirsan Maxadka Planck ee Daraasaadka la xidhiidha cilmiga tiro-koobyada dadka ee afka qalaad lagu yidhaahdo Demography, oo xaruntiisu tahay magaalada Rostock ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in sababaha arrintan keeni kara ay ka mid yihiin kuwo nafsi ah, oo tusaale ahaan bulshooyinka dunida intooda badani waxa ay ceeb ku tiriyaan in gabadhu guursato nin ka da’ yar, sidaa awgeed gabadha guursata nin ka yar waxaa ku yimaaddaa diiqad iyo culays nafsi ah oo sababtiisu tahay faquuqa, dacaayadda ama xanta bulshada ee ay og tahay, xaaladdaas nafsiga ah iyo caadooyinkaas ay burisay ayaana ku keena khatar caafimaad. Laakiin daraasaddu waxa ay iftiimisay in raggu ay arrintan kaga duwan yihiin dumarka, oo guurka gabadha ka yar uu ninku ka qaado caafimaad qab. Tusaale ahaan ninka guursada gabadh ka yar 7 illaa 9 sano, boqolkiiba 11 ayaa ka dhimasho yar yihiin ragga qaba xaasas la da’ ah, in kasta oo aanay daraasaddu arrintan si cilmiya aad ugu sii sababayn. Si kastaba ha ahaato ee daraasaddan iyo kuwo hore loo sameeyeyba waxa ay qireen in guurku guud ahaanba labada qof u keeno raaxo iyo nasasho maskaxda iyo nafsadda ah iyo mid jidhka ahba. Isla markaana xaasleyda ay ku yar yihiin cudurrada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, walbahaarka, isticmaalka maandooriyaha iwm.