Somaliland Waxay Murkacatay Markii Xukuumada Kulmiye Iyo Ganacsatadu Heshiis Wada Galeen Cabdiraxmaan Cadami

0
826

Wadamada badhtamaha koonfurta Ameerika ee loo yaqaano Jamhuuriyadaha Muuska (Banana Republic's) madaxdooda dalka waxa la maamula ama talad la wadaaga shirkadaha waaweyn gaar ahaan shirkada lagu magacaabo 'the United Fruits' oo ka ganacsata dhamaan dalalka kor ku xusan. 

cadanu

Marka kasta oo dawlad la dhisayo waxa loo qoondeeya tiro wasiiro ah oo u gaar ah, madaxweynaha qudhiisu doorashada kuma soo bixi karo haddii aanu haysan taageerada shirkadahaa awooda badan, sidaas oo kale waxaa la mid ah golayaasha xeer dajinta sidaa awgeed dawladu sida ay u dhan tahay waxay wakiil ka tahay dabaqada sare ee maal qabeenka ah bulshadada inta kale ma laha cod. Tusaale kale aqoonyahan Maraykan ah oo khabiir ku ah arrimaha wadanka Nigeria oo la yidhaahdo Larry Diamond isaga oo tilmaamaya xukumadii madaxweynihii hore ee Nigeria Shehu Shagari  wuxuu yidhi "Shehu Shagari's administration was termed as a government of contractors for the contractors and by the contractors" macnuhuna wuxuu yahay "xukuumada madaxweyne Shagari waxaa iska leh shirkadaha waawyen, waxay u dhisan tahay qandaraas-layaasha wax soo doorta ganacsatada.

Hadaba akhriste xukuumada madaxweyen siilaanyo maxay kaga duwan tahay xukumadiihii Shehu Shagari iyo Jamhuuriyadaha Muuska, sidooda oo kale dan lagama galo dhibaatada iyo nolosha dadweynaha ee ka sii daraysa, lagama naxo, loomana naxariisto dan yarta ku gaajanaysa gudaha magalooyinka ee waxba ku iibsan kari waayey shillinka Somaliland ee sarif bararku aafeeyey. 

Xukuumada kulmiye kaliya waxay u jajaban tahay ama ay u ilaalisaa danaha hantiilayaasha oo qayb aad u yar ka ah bulshada. Dal kastaaba dunida wuxuu leeyahay ganacsato awood badan, hunguri weyn oo jecel inay sameeyaan macaashka ugu badan laakiin si aanay u xad gudbin oo loo ilaaliyo maslaxada umada waxaa loo sameeyaa sharci lagu xakameeyo damacooda iyo xuduud aanay dhaafin karin waxayse umadi jabtaa ama qaran dumaa marka ganacsata iyo dawladu u heeshiiyaan shicibka oo midba ka kale ku taageero boobka ama ay u shuraakoobaan hantida umada.

 madaxweynihii hore ee Kenya Jomo Kenyatta isaga oo ka digaya faraqa sii kala fogaanayaa ee u dhaxeeya bulshada iyo dhibaatada ka iman karta wuxuu yidhi "we don't want Kenya of 10 millionaires and 10 million beggars". Hadaba Somaliland maanta miyaanay ahayn ama ku sii socon inay bulshadu u kala baxdo malaayiin sabool ah oo bakhtigu xalaal u yahay iyo tiro yar oo ku kaliyeysatay khayraadkii dalka.

Si kastaba ha ahaate maxaa ka dhalan kara marka ay xukuumadu ka baaqato waajibaadkii iyo masuuliyadii ka saarnayd daryeelka nolosha dadweynaha amaba ay difaaci kari waydo xuquuqdii muwaadinka?

 

1. Waxa bata dambiyada sida dhaca iyo tuugada

2. Waxa dhaqan noqda musuq maasuqa

3. Waxa joogta noqda banaan baxyo lagaga cabanayo maceeshada qaaliga ah ee kor u sii kacaysa

4. Waxa yaraada wadaniyada iyo jacaylka dalka

5. Waxa soo ifbaxa ururo xag jir ah oo ka faa'idaysanaya saboolnimada, shaqo la'aanta, isku dul noolaanshaha iyo cadaalad darada. 

Sidaas oo ay tahay hadana madaxweyne Siilaanyo wuxuu rabaa in xukuumadiisa loo aqoonsado in ay tahay ta ugu tayada wanaagsan xukumadihii soo maray Somaliland isagana lagu sunto in uu yahay madaxweynihii ugu hogaaminta iyo maamulka wanaagsana oo uu istaahilo amaan iyo in lagu bogaadiyo.  Laakiin madaxweyne magac iyo manfac lays kuma helo. Hogaamiyayaashii taariikhda galay dhaqaale may uruursan jirin balse waxay ku dadaali jireen inay ka shaqeeyaan horumarinta dalkooda iyo danta guud ee umada (the great leaders of history NEVER wanted personal gains for them selves) 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahamanadami@yahoo.com