11 Sababood Oo Sannadkan Sii Dhammaanaya Ee 2015 Ay Dunidu Ugu Tirin Doonto In Uu Wanaagsanaa (Q.2aad)

0
666

ggggggWashington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah wax yaabihii ugu fiicnaa ee sannadkan sii dhammaanaya ee 2015ka ay dunidu ku xasuusan doonto, gaar ahaan dhinaca horumarka.

3. Isticmaalka Internet ka: Sannadkan 2015ka waxaa kordhay tirade dadka Isticmaala Internet ka ee dunida oo dhan, sida ay tirokoobyadii ugu dambeeyey daahfureen tirada dadka isticmaala Internet ku waxa ay gaadhay 3.2 Bilyan oo qof, kuwaas oo Laba Bilyan oo ka mid ahi ay ku dhaqan yihiin dunida soo koraysa, halka ay tiradaasi sannadkii 2000 ahayd 300 oo Milyan oo keliya. Taas oo macnaheedu yahay in tirada dadka Internet ka isticmaalaa ay 15kii sano ee u dambeeyey labalaabantay 8 jeer.

4. Malaayiin dad ah oo cusub ayaa xisaabo bangi furtay: Sannadkan dunida waxaa xisaabo Bangi (Akoonno) furtay Malaayiin dad ah oo aan hore u lahayn, arrintan oo tirada dadka akoonnada bangi leh gaadhsiisay heerkii abid ugu sarraysay. Sida ay dadka arrimaha dhaqaalaha iyo maaliyadda ku xeeldheeri sheegaan, in adeegga maaliyadeed uu dadka gaadho ayaa si aad ah loo aaminsan yahay in ay tahay mishiinka dhaqaajiya horumarka, gaar ahaan dalalka dakhligoodu hooseeyo.

5. Dhimashadii AIDS ka oo yaraatay: Waxaa sannadkii Shan iyo tobnaad si is-daba joog ah hoos ugu sii dhacaya dadka sannad kasta u dhinta sababta cudurka AIDS ka waxa aanay dhakhaatiirtu aaminsan yahay in maanta uu cudurkaasi yahay mid la daweyn karo ama lala tacaali karo, isla markaana laga hor tegi karo. Dadaal aad u dheer oo caalamiya kadib waxaa suurtogashay in ay bataan fursadaha lagu heli karo dawooyinka cudur-dilayaasha ah ee awoodda badan, taas oo sababtay in imika boqolkiiba 14 la daweyn karo dadka qaba cudurkan,  halka ay sannadkii 2010ka ka ahayd rajada daweyntu boqolkiiba 7 keliya.

6. Dhimashada cudurka Duumada oo hoos u dhacday: Sannadkan dabayaaqada ah ee 2015 waxaa halkii abid ugu hoosaysay gaadhay celceliska tirade guud ahaan dunida ugu dhinta cudurka Duumada (Kaneecada/Malaariyada), tirokoobyadii ugu dambeeyey ayaa muujiyey in boqolkiiba 85 ay hoos u dhacday tiradii sannad kasta cudurkan ugu dhigam jirtay Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya, boqolkiiba 72 ay hoos u dhacday qaaradaha Ameerikada woqooyi iyo Koonfureed, boqolkiiba 65 hoos u dhacday gobolka Badweynta Hindiya, boqolkiiba 64 hoos u dhacday gobolka Bariga-Dhexe, halka Afrikana ay boqolkiiba 66 hoos u dhacday tirada dadka qaangaadhka ah ee u dhinta cudurka Duumada, carruurtana boqolkiiba 71 ay hoos u dhacday.

Marka si guud dunida oo dhan loo eegana tirada dadka sannadkii 2000 dunida ugu dhintay duumadu waxa ay ahayd 839 Kun, laakiin sannadkan 2015ka waxa ay hoos u soo gaadhay 438 Kun, taas oo macnaheedu yahay in 6.2 Milyan oo qof 15 sano ee u dambeeyey laga samato bixiyey cudurka Duumada. La soco…