Danjire Cawil Oo Shacabka Somaliland Ku Bogaadiyay Maalinta Qaranimada Ee 18 May

0
491

Picture6Hargeysa(Geeska)-Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa munaasibadda 18 May, darteed wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland u diray hambalyo iyo bogaadin, waxaanu ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan hirgelinta qaddiyadda. Md. Cawil, oo ku sugan magaalada Hargeysa, wuxuu sheegay in dhib loo soo maray la soo noqoshada madaxbananaida Somaliland oo uu tilmaamay in tan iyo markii ay lixdankii luntay baadi goob loogu jiray, “Shacabka Somaliland waxaan leeyahay hambalyo, waxaanan leeyahay ilaashada qaranimadiina oo ku faro adayga, duniduna way aragtaa xaqiiqada Somaliland ka jirta, waanay iman doontaa maalin ay gartaan xaqa ay shacabkani u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.”

Danjire Cawil, wuxuu sidoo kale ku baaqay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta nabadgelyada Somaliland, “Mar kale waxaan shacabka leeyahay hambalyo, sannadka dambena Alle ha inagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo horumar iyo ictiraaf.”