Siyaasiga Cabdi Haybe Oo Isbarbardhigay Xukuumadii Daahir Rayaale Iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

0
611

Picture7Hargeysa (Geeska) Cabdi Haybe Maxamed oo Xukuumaddii Rayaale Wasiir ka ahaa, kana mid ahaa Siyaasiintii aasaasay Xisbul Xaakimka Kulmiye, ayaa  isbarbar dhig ku sameeyey xukuumadii UDUB iyo xukuumadan KULMIYE, waxaanu tilmaamay in fursado aanay helin Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale, ay heshay Xukuumaddani,waxaanu sidoo kale Xukuumaddan ku dhaliilay in aanay si siman oo cadaala dadka ugu shaqayn,  , halka uu Xukuumaddii hore  ee uu ka tirsanaa ku sifeeyey inay si Cadaalada ah dadka ugu adeegi jirtey.

Cabdi Haybe ayaa dhanka kale waxa uu amaan balaadhan u soo jeediyey Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo uu ku amaanay Safarkii uu ku tagay Magaalada Buuhoodle oo uu sheegay inuu muujiyey Geesinimo, aanay hore u muujin Wasiiraddii hore ee ka soo jeeday Buuhoodle ee soo maray Xukuumaddihii Somaliland, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay in la hirgeliyo Mashaaricaha kala duwan ee uu soo dhagax dhigay Xagla-toosiye.

Cabdi Haybe Maxamed ayaa  isaga oo u waramaya Geeska Afrika, waxa uu ku Xukuumadda Somaliland kula taliyey in la soo dhaweeyo, waxna loo qabto Beelaha dega Beelaha dega Daafaha Gobolada Somaliland, waxaanu ka codsaday in si Cadaalad ah Umadda wax  loogu qabto, oo Qabyaalada laga fogaado, waxaanu ugu horeyn yidhi

“Marka ugu horeeysa waxa aan dhamaal hambalyo ah u diraya Shacab weynaha Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxaana tahniyadeeynaya Madaxweynaha, Marwadiisa, Madaxweyne ku xigeenka iyo Marwadiisa,Dawladda, Ciidamada kala duwan, Dhakhaatiirta iyo dhamaan Shacabka Somaliland, Xuska Maalinta 18-may awgeed, intaas kadib waxaan doonaya in aan ka hadlo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye, arinka Geesinimada leh ee uu u baxay  ee Raggii Dhulbahante ama Harti ee Wasiiradda ahaa ee ka horeeyey ee soo maray 23-sanno Xukuumaddihii kala dambeeyey ee ku dhici waayey inay tagaan Buhoodle agteeda, oo ay dadka la soo hadlaan, soona ururiyaan, ayuu isagu noqday Wasiirka qudha ee tagay, waxaanu mudan yahay in la hambalyeyo, waxa alaale wixii Mashaariic ah ee uu soo dhegax dhigayna waxa Xukuumadda ku waajib ah inay fuliso, Buuhoodle marka laga hadlayo Cusbitaalkeeda iyo wixii Shaqaale ah ee ka dhiman iyo wixii Ciidan ah ee ay u baahan yihiin in loo qarameeyo, waa in loo sameeya, waxa alaale wixii uu Wasiirku soo qabtayna waa in la fuliyaa, wixii ay tabanayaana waa in laga qanciyaa”.

Cabdi Haybe isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Buuhoodle oo qudha maaha in wax loo qabto ee waa in wax loo qabtaa Deegaanada ay degaan Dhulbahante iyo Warsan-geli iyo Ugaas-labe, woo axa ay u baahan yihiin loo qabtaa, oo Mashaariicda loo gudbiyo xagooda, mana ah in inta Isaaqu dego oo qudha Mashaariicda iyo Lacagta lagu dhuuqee, ee haddii Aqoonsi la doonayo waa in Beelaha daafaha Gobolada Somaliland dega la siiya xaqooda ka maqan,Harti ha noqdo ama Ciise ha noqdee, waana in Beelaha dulmani wax alaale wixi ay dabanayaan loo hirgalaya, Biyo ha noqoto, Iskuulo ha noqoto, ama Cusbitaalo ha noqotee”.

Cabdi Haybe ayaa  mar uu ka hadlayey  sida ay Xukuumaddani u bixiso Mashaariciida yidhi “Wasiiradda Wasaaradda Waxbarashadu meel kasta Dugsiyo kala duwan oo aad u badan ayey ka soo furtay,  waxaanad mooda inay Qabyaalad ku qeybinayso, waxaan leeyahay Qabyaalada ha laga daayo oo si cadaaladi ku dheehan tahay ha loo qeybiyo,Tusaale ahaan Dugsigii Xalane ee la siiyey Turkiga, ee loogu talagalay Farsamada Gacanta, Umaddu waxa ay u baahan tahay Dugsiyadii Farsamada, balse Dugsi sare ee Turki kireeyo, lacagna ka qaato uma baahnin, sidoo kale Jaamacadahan faraha badani iyana waxba tari mayaan,ee Dugsiyadii Farsamada Gacanta ayaa loo baahan yahay in dib loo soo celiyo sida Dugsigii Xalane iyo Dugsigii Burco.

Meelaha ugu badan ee bilaa biyaha ah waxa ka mid ah Gobolka Hawd, Salaxley,Sabawanaag, markaas waxa aan leeyahay Mashaariicda Umadda si siman ha loogu qeybiyo, dalka waa la wada leeyahay, ma ah inay cidi si gaar ah u nuugto, cidina qatanaato, Waxa haboon in si Sinaan iyo Cadaaladi ka muuqato Dhaqaalaha Umadda loogu qeybiyo, waxaana ayaan daro ah in Tuulooyin Sagaal Dhagax oo Mashaaricii kala duwan  ah la soo dhigo, oo la yidhaahdo Mashruucyo ayaa loo sameeynaya, Tuulooyina aanay Cusbitaal iyo Iskuul aanay lahayn, Tusaale ahaan Gobolka Hawd, Cusbitaal ma leh, MCH-yo ma leh, Dugisyo hagaagsan ma leh, Madaweynaha iyo Xukuumaddiisa waxa aan ugu baaqaya inay dadka hoos u eegaan oo ay Cadaalada ilaaliyaan.”

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Waddooyinka waxa uu yidhi “Waddooyinku waa waxyaabaha ugu muhuumsan ama Dhaqaale ha noqoto ama Isgaadhsiin ha noqotee ama isku socodka ha noqotee, in meel kasta oo Waddanka ka mid ah la hirgaliyo Waddooyinkana waa mid aad u wanaagsan, haddii ay noqoto Waddada Ceerigaabo, Waddada Dawg-cad, Waddada Wajaale, Waddada Oodweyne, Waddadan Baligubadle ee hadda la bilaabay ha noqoto, waxa se wanaagsan in marka hore Caasimadda laga fuudh yeelo, waayo Caasimaddii oo bilaa Waddo ah, maaha in laga fikiro Waddooyinka meelaha kale, waxaana wax lala yaabo ah in Caasimaddii oo bilaa Waddo ah laga fikiro Waddooyinka Degmooyinka iyo Tuulooyinka”.

Cabdi Haybe oo ka hadlaya Mashaaricii badan oo Xukuumaddii hore ay sii qorsheysay   oo ay Xukuumaddani sheegato ayaa  yidhi “Xukumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa iyo Xukuumadda Maanta ee uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), wey kala duwan yihiin, Daahir Rayaale markii uu joogay Dhaqaale toos ah lama siin jirin, UE-da ha noqoto, ama Dawladdaha Carabta ha noqoto, Deeq toos ah lama siin jirin, ee waxa ay ahayd waxyaabihii yaraa ee miisaaniyada ku jiray, Xukuumaddii hore Wasiiradu waxa ay Mushahar ahaan u qaadan jireen Afar Milyan oo ahayd 500-dollar, halka Wasiiradani ay Mushar u qaataan 2000-dollar iyo dheeraad, oo Mashaaricii horumarineed oo la siin jirey may  jirin, marka laga reebo oo qudha Talaalka iyo wax yar oo fara guudkooda, balse Xukuumadda Axmed Siillaanyo si toos ah ayaa Deeqda loo siiya, cidna looma soo mariyo, Cashuurtii Umadda ayey Sannad walba sii laban laabtaa, Dawlad hoose ha noqoto ama Dawlad dhexe, waxaana waxaas oo dhan ka sii diiran Golahan Deegaanka ee Hargeysa oo iyagu afar jeer laab Cashuurtii kordhiyey, waxaana Cashuuraha la kordhiya wax yar oo aanay dadku dareemin, balse haddii aad tidhaahdo Misaaniyadii ayaan kordhiyey boqolkiiba boqol iyada oo Shacabka Somaliland oo u badan dad dan yar ah oo waxba haysan ma haboona in Cashuur aanay bixin karin laga qaado, Cadaalad ayaa dadka deeqdee, Cadaalada ha la ilaaliyo.

Waxa jira Mashaaricii badan oo Xukuumaddii hore sii diyaariysay, balse  aan u hirgelin, kuwaas oo ka mid ah Lacagtii lagu sameeyey Madaarada Hargeysa iyo Berbera, oo Xukuumaddii hore ayaa sii diyaarisay, waxaana bixinaysa  Kuwait Fund, waxa jirey Mishiinada Kelyaha oo ay sheegtaan qoloda Kulmiye iyo Biyo gelinta Hargeysa ee Xunba-weyne , oo Xukuumaddii hore sii diyaarisay, waxaas oo Dawladdii hore sii dhameeysay, oo Qorshaha ku jirey, ayey Xukuumaddani iska sheegata, iyada  oo bilawgii Mashaariicdaas waxba ka ogeyn”.

Cabdi Haybe oo ka hadlaya sida uu arko la shaqeeynta  uu la soo shaqeeyey Xukuumaddii hore oo u Wasiir ka ahaa iyo Xukuumaddan oo uu ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga taladda dalka haya ee  Kulmiye, waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye Raggii soo unkay ee soo aasaasay ayaan ka mid ahay, oo aniga ayaa la soo dabaashay, oo Baabuurtaydii ayaa ku soo burburay, qof walibana Maslaxadiisa ayuu eeganaya, balse haddii aan isbarbar dhigo, Xukuumaddan Axmed Siillaanyo waxa ay ku soo beegantay iyada oo si toos ah Dhaqaale loo siiyo, iyo iyada oo Cashuurihii la kordhinayo oo dadkii la dhibayo, iyada oo Wasiirada Xukuumaddani iyaga ayaa isa suuldaaraya, iskuma xidhna, mana wada shaqeeyaan, si simana Umadda uguma shaqeeyaan, waxayna u badan yihiin Qurba joog soo shaqo tagay, halka Mujaahidiintii SNM ee dalka xaqa u lahaa ay Suuqyada joogaan,

Balse Wasiiradii Daahir Rayaale waxa ay ahaayeen Wasiiro isku xidhan oo wada shaqeeya, oo hawlaha wada qabta, oo Safarka u wada baxa, wada shira oo wada fadhiista, si siman oo cadaaladi ku dheehan tahayna dadka ugu shaqeeya.”