Col. Cumar Nimcaale Oo Ka Hadlay Munaasibadda 18 May Iyo Hambalyada Uu Shacabka U Diray

0
486

Picture5Hargeysa(Geeska)-Col. Cumar Maxamuud Nimcaale, oo ka mid ah masuuliyiinta dalkan Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shacabka Somaliland ku bogaadiyay maalinta qaranimada Somaliland ee 18 May oo loo dabaal degay Axadii doraad.

Col. Cumar, wuxuu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan qaranimadooda, “Waxaan shacabka Somaliland, dawladda, xisbiyada iyo goleyaasha qaranka ku hambalyaynayaa munaasibadda sannad guurada 23aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada xorriyadii Somaliland. Waxaan shacabka Somaliland ugu baaqayaa inay ilaashadaan xorriyadooda oo ay u dhabar adaygaan hirgelinta qaddiyadooda. Waxaan leeyahay Somaliland waxay maraysaa meel wanaagsan, adduunyaduna dhawaan deg deg ayay u aqoonsan doontaa, sannadka dambena waxaan rajaynayaa inaynu ku gaadhno nabadgelyo, horumar iyo ictiraaf.”

Col. Cumar, waxa kale oo uu bogaadin u diray Wargeyska Geeska Afrika, “Waxaan bogaadinayaa wargeyska Geeska Afrika oo munaasibadii uu 8aad jirsaday aan dalka dibadiisa kaga maqnaa, waxaan hawlwadeenada iyo maamulka Geeska Afrika leeyahay hambalyo, waa wargeys dhexdhexaad ah oo baahiyay wararka xaqiiqada ku fadhiya.” Ayuu yidhi.