Danjire Cawil Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Midaynta Shacabka, Cirro-Na U Soo Jeediyay Inuu Natiijadii Doorashada Aqblo

22
2593

Hargeysa(Geeska)-Ambaasadoor Cawil Cali Ducaalec(Cawil) ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku jiro, waxaanu farriimo u diray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Waxa uu Ambaasadoor Cawil ku tilmaamay doorashadii dhacday mid xanafteeda laga sugaayo madaxweynaha inuu daweeyo, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka HCTV, ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya  ciidamada Somaliland uu yidhi”marka ugu horaysa dawlad kasta oo Somaliland ka dhisan waajib ayaa saaran inay xuduudeeda sugto tan Tukaraqna dalkeenii ayuun baynu ku jirnaa meel aan maamulkeenu gaadhin ayuu imika ciidankeenu gaadhay, xuduudeena waa la sugi doonaa oo waa hubaal taasi.”

Waxa uu dadka dibada jooga ee Somaliland u soo jeediyay inay ka taliyaan nabada dalka”Dareenada aad arkayso ee buuqa abuuraya dadkeena dibada ayaa lug ku leh oo lacag soo diraaya oo odhanaaya salaadiineey hadla  oo aad moodo in waxii wanaaga ahaa ee ay dalka u qabteen ee ay ku sharafaysan yihiin ee umaddu ugu ducayn jirtay inay maanta gubayaan oo ay umaddan u horseedayaan khasaare  iyo iska hor imaad iyo buuq  siyaasadeed iyaga oo aaminsan inay banaanka joogaan.”

Waxa uu madaxweynaa u soo jeediyay midaynta dadka Somaliland, waxaanu isagoo madaxweynaha la hadlaya uu Danjire Cawil yidhi  “Waxaan ku talinayaa inuu wax walba ka horaysiiyo  cadaalad iyo sinaanta jiritaanka umaddana gacanta ku hayo, dawladnimada hubka lagu wadaa maaha qoryo iyo taangiyaal ee waa fulaynimo. In marka Maxamed kaa soo horjeedo aad u tagtid  oo aad guriga ku garaacdid, in cid alle iyo cidii wax tabanaysa madaxweynuu  uu guryahooda ugu tago oo ay ka bogsiiyaan waxay ka cabanayaan oo albaabku uu u furnaado, oo beelaha uu is leeyahay dareen fog ayaa yaala uu tago oo taasi ay noqoto mid uu caadaysto.”

Isagoo ka hadlaya Cabdiraxmaan-cirro wuxuu yidhi “Masuuliyad ayaa saaran Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha Waddani ee laga guulaystay; aqlabiyad xoog ah ayaa lagaga guulaystay, doorashadii 2003-dii musharaxii Axmed Siilaanyo waxa uu Daahir Rayaale kaga helay 80 cod, Axmed Siilaanyo waxa uu geesinimo u yeeshay inuu yidhaahdo waa layga helay oo uu aqbalo, qofka shaqsiga ah waa inuu ku xisaabtamaa inuu geesinimo u yeesho marka laga guulaysto inuu aqbalo taasi waxay keenaysaa inay dadku ku kalsoonaadaan Axmed Siilaayo kalsooni xoog ah ayuu ka helay barigaas, musharax 80 cod lagaga helay oo si sharaf leh u aqbalay xataa beesha uu ka soo jeedo ayaa sharaf heshay, waayo markii 80-kaas lagaga helay beeshii wadatay ee Bariga Burco walaa suldaan, siyaasi iyo ganacsato cid ka hadashay ma jirto. waa qiimayn keentay kalsooni in Axmed Siilaanyo uu mar danbe dalka madaxweyne ka noqdo iyo dadkeena oo ka daalay siyaasad buuq ku dhisan oo ku farxay in musharaxii uu 80-kaas aqbalay, beeshiisiina ay ku garab gashay oo aanu qof kaliyaati hadlin, maanta 80 kun oo cod ayaa lagaga helay Cabdiraxmaan Ciro waa inuu u sheegaa beeshiisa iyo taageerayaashiisa waa layga helay oo geesinimada Siilaanyo yeeshay uu yeeshaa  oo aanu odhan sidan uu imika ku hadlaayo waan amaahiyay, siyaasadu maanta uun maaha ee barina waa ay jirtaa, musharaxii Ucid waa uu ogolaaday, haddii uu ogolaan waayo natiijadaas oo uu wali  ka hadlaayo taageerayaashiisa iyo beeshiisuna ay ka hadlayso, waxa iman doontaa in aanu mardanbe dalka wax ka noqon”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here