Dab Iyo Cadho

25
2922

Aqalka Cad ee Trump gudihiisa, waxaa qoray Michael Wolfe waxaa turjumay  Kamaal A. Cali (Q. 11aad)

“Waxa aan noqon karaa ninka dunida oo dhan ugu caansan,” ayaa uu yidhi Trump oo bilowgii ol’olahan la hadlayey gacanyarihiisii uu marna eryi jiray marna soo celin jiray ee Sam Nunberg. (Isaga oo u jeeda in aanu guulaysan doonin laakiin murashaxnimada iyo tartanka uu magac weyn ku heli doono) “Laakiin ma doonaysaa in aad madaxweyne noqoto?” ayaa uu weydiiyey Nunberg. (Waxa ay ahayd su’aal duurxul ah oo marka si kale loo dhigo uu uga jeeday, “Maxaa aad u doonaysaa in aad madaxweyne noqoto?”). Laakiin Nunberg jawaab uma uu helin su’aashiisa. Runtuna waxa ay ahayd in aanay su’aashaasi jawaab u baahnayn, waayo Trump maba uu doonayn in uu madaxweyne noqdo.

Roger Ailes oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen Trump, waxa uu dhihi jiray, “Qofka doonaya in uu shaqo ka helo talefishannada caanka ahi, marka hore waa in uu u tartamaa madaxweynenimo. (Si marka uu dhaco, laakiin magaciisa la barto uu shaqadan u raadsado).

Trump, oo dhiirrigelin ka helayey saaxiibkiisan Ailes, ayaa bilaabay in uu faafiyo dacaayado uu ku sheeganayo in Trump uu yahay nin xidhiidho badan leh oo uu mustaqbal fiican filanayo. Waxa uu saaxiibkii Ailes u sheegay in ol’olahan uu ka soo bixi doono isaga oo helay awood ganacsi oo intii hore ka sii badan iyo fursado aanay wax lagu qiyaasaa jirin. “Waa ay ka weyn tahay, wixii aan ku riyoonayey abid,” ayaa uu Trump ku yidhi Ailes oo ay sheekaysteen toddobaad keliya doorashada ka hor. “Anigu kamaba fikirayo guuldarrada igu dhacaysa, waayo guul darro laguma sheegi karo. Waa aanu guulaysannay” Waxa kale oo intaas dheer in Trump uu sii diyaarsaday sababta beenta ah ee uu taageereyaasha u sheegi doono marka uu guuldarraysto doorashada, taas oo ahayd, “Waa lagu shubtay!” Donald Trump iyo kooxdiisii ol’olaha ee tirada yarayd, guul in ay helayaan ma’ay filanayn, waxa se ay doonayeen in guuldarradoodu ay dab iyo cadho dhaliso.

***

Siyaasadda cid uun baa ay tahay in ay guuldarraysato, laakiin marka hore qof kastaa waa in uu fishaa in uu guulaysan karo. Caadi ahaanna ma’ guulaysan kartid illaa aad rumaysato in aad guulaysanayso. Waxa uu ol’olaha Trump caan ku noqday dookh xumo dhinaca soo xulashada hawlwadeennada ah iyo in qof kasta oo ku lug lahaa ol’olihiisu uu fashilnaa. Trump laftiisa ayaa sidooda oo kale ku qanacsanaa in dadka Hillary Clinton la shaqaynayaa ay ahaayeen guulaystayaal heersare ah. “Dadkii ugu fiicnaa iyaga ayaa kaxaystay, annagana intii ugu xumayd ayaa nagu soo hagaagtay” ayaa uu Trump si joogto ah u odhan jiray. Safarkii diyaaradda ee aan Trump raacay xilligii ol’olaha waxba kama aan soo korodhsan. Dhammaan dadka ku xeeran, waxa uu u yaqaannaa in ay maangaab yihiin. Corey Lewandowski, oo ahaa ninkii markii ugu horreysay guddoomiye ku sheegga u noqday ol’olaha Trump, ayaa inta badan canaan iyo hiif kala kulmayey murashaxa. Muddo bilo ah ayaa uu Trump ninkan ku magacaabi jiray “Kii ugu xumaa hawlwadeennadiisa” ugu dambayntiina bishii lixaad ee 2016 kii ayaa uu eryey. Laakiin maalintii uu eryey laga soo bilaabo Trump waxa uu qiran jiray in uu olo’lihiisii shiikhay, Lewandowski awgii. “Dhammaanteen waxa aynu nahay guuldarraystayaal”

Waxa uu jeclaa in uu yidhaahdo, “Dhammaan dadkaygu (Shaqaalaha) waa kuwo macno daran, ma jirto cid Alla cid garanaysa waxa ay tarayaan … waan u darsaday Corey.” Trump haddana mar kale ayaa uu si dhaqso ah u nacay ninkii labaad ee uu u magacaabay, madaxa ol’olihiisa, Paul Manafort.

Bishii siddeedaad, iyada oo uu xaalku marayo in Trump uu 12 illaa 17 dhibcood ka hooseeyo Hilary Clinton, si joogto ahna ay warbaahintu ugu waddo duufaanno rubadka gooyey, ayaa uu Trump xitaa keeni kari waayey qorshe, yaanu suurtgalba noqon ee, uu dadka ugu sheego in uu guusha ku gaadhayo. Iyada oo waqtigaas adag uu marayo, ayaa uu haddana Trump lacag ku iibiyey ol’olihiisa guuldarraystay. Maalqabeenka dhinaca midigta u janjeedha ee Bob Mercer, oo taageere u ahaa, Ted Cruz, [Murashax xisbiga Jamhuuriga gudihiisa kula tartamay Trump], ayaa taageeradiisii u soo leexiyey Trump, waxa aanu ol’olaha sii dhimanayey ku soo nooleeyey 5 Milyan oo doolar.  Mercer oo xaqiiqsaday in ol’oluhu uu dalow ka sii lushay, ayaa ay isaga iyo inantiisa Rebekah diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah ka soo kaxaysteen guryahooda ku yaalla gasiiradda Long Island, [Waa gasiirad ku taalla koonfurta bari ee New York, oo nolosha dabaqadda sare ee qaaliga ah oo keliyi ka jirto] si ay ula kulmaan qaadhaan-bixiyaha weyn ee Woody Johson oo ah ninka leh shirkadda uu dhaxalka ku helay ee Johnson & Johnson. Waxa ay ku ballansanaayeen gurigiisa uu ku xagaa baxo ee ku yaalla Hamptons.

Trump wax xidhiidh ah, oo run ah lama uu lahayn odaygan iyo inantiisa midna. Haddii laga tegi waayo, marar kooban ayaa ay sheekaysteen Bob Mercer, oo inta badan ku hadla ereyo urursan; [Is diidsiiya in uu qofka sheekada u furfuro]; Rebekah Mercer iyada taariikhda ka dhaxaysa Trump, waxa ay ku kooban tahay hal mar oo ay gacanteeda iskula sawirtay Trump, oo ay ku aragtay dhismihiisa Trump Tower. Laakiin markii reer Mercer ay soo bandhigeen qorshahooda ah in ay la wareegaan ol’olaha, oo ay ku meeleeyaan (U dhiibaan) Xiddigla Steve Bannon iyo Kellyanne. Trump fikirkan kama uu hor iman. Waxa keliya ee uu muujiyey, faham la’aanta ballaadhan ee ka haysta sababta uu qof u dooni karo in uu hawshan qabto [Ol’olaha]. “Waxani waa uu isla wada kharriban yahay” ayaa uu ku yidhi Mercer. [Isaga oo u jeeda in uu u sheego in hawsha ol’olaha oo dhami isku cayn iyo bayd go’day]. Dhan kasta oo laga qiimeeyaba, heerka uu ol’oluhu marayey xitaa waa uu ka sii liitay, waxa uu ku sheegay Steve Bannon oo yidhi, “Waa ol’ole u ku dhacay burbur aanu ka soo waaqsan karin” Isaga oo qaba dareen ah in aan dib loo soo dhisi karin.

Trump, murashaxa isku sheegayey bilyan dheerka, oo toban jeer ka maalqabeensan Mercer, waa uu ka bakhaylay in uu lacagtiisa ku maalgeliyo ol’olihiisan uu u arkayo in uu khasaaraha yahay.

Jared Kushner, isagu markii uu Bannon xilka ol’olaha la wareegayey, waxa uu iskaga maqnaa fasax nasasho ah oo uu xaaskiisa kula qaadanayey dalka Croatia. Weliba waxaa ku wehelinayey David Geffen oo cadow ku ah Trump. Bannon ayaa mar dambe Kushner u sheegay in marka la dhaafo doodda koowaad ee labada murashax yeelaan doonaan bisha Sabtembar, loo baahan doono 50 Milyan oo doolar oo dheeraad ah, si loogu bixiyo kharashaadka la gelayo inta maalinta doorashada ka horreysa.

“Sinnaba 50 Milyan kagama qaadi karno [Trump], illaa aynu u dammaanad qaadno in uu guulaysanayo,” Ayaa uu ku jawaabay, Kushner oo indhaha caddaynayaa.

“Shan iyo labaatan Milyan ma ka helaynaa?” ayaa uu yidhi, Bannon oo qancay.

“Taasna waxa uun aynu ka heli karaynaa, haddii aynu ku nidhaahno, “In aynu guulaysanno ayaa ay aad ugu dhowdahay.”

Ugu dambayntii, waxa uu Kushner sheegay, waxa ugu fiican ee uu Trump samaynayo ee ay lacag kaga heli karaan in uu yahay in ay ku qanciyaan, in uu 10 Milyan oo doolar amaahiyo guddida ol’olaha [Ol’olihiisa]. Weliba Kushner waxa uu Bannon u sheegay in xitaa markaas ay amaahda ugu sheegaan, in uu Trump shardi ka dhigi doona in sida ugu dhaqsaha badan loogu soo celiyo lacagtaas. Marka ugu horreysa ee ay lacag kale soo gasho. La soco…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here