Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Shirkadaha Isgaadhsiinta, Xawaaladaha Iyo Ganacsato Kale Dul Dhigtay Amaro Ay U Aragto Inay Xal U Yihiin Sicir Bararka

23
2768

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa soo saartay go’aamo amar ah oo ay sheegtay inay kula dagaalamayso sicir bararka dalka aafeeyay, waxaana shirkadaha dalka la gaadhsiiyay amaradaas wixii ka khuseeyay.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ay xukuumadu weli soo saartay, haddana warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in xukuumadu go’aamadeeda u gudbisay shirkadaha Telesom, Dahab Shiil iyo kuwo kaleba. Go’aamadan ayaa qaarkood waxay la mid yihiin kuwii ay xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ka gaadhay arrimaha sicir bararka, kuwaas oo aan fulin. Sida ay wararku sheegeen go’aamadan ayaa qaarkood waxa ka mid ah:

1-In adeegyada Zaad iyo Edahab oo ay maamulaan shirkadaha Telesom iyo Dahab Shiil lagu samayn doono xadidaad lagu soo rogayo lacagaha layskugu diri karo iyada oo aan loo ogolaan doonin in lagu diro lacag ka yar  $100 ( wax ka yar boqol dollar), halka lacagta Somaliland ee Zaad ama E-dahab lagu isticmaali doonaa ay noqon doonto mid furan oo aan xadidnayn.

  1. In Baanka dhexe ee Somaliland uu la wareegi doono awooda kaydinta lacagta doolarka taas oo markii hore ay maamuli jirtay wasaarada maaliyadu, iyada oo baanka dhexe uu awood u yeelan doono dhaq dhaqaaqa sarifka lacagaha qalaad ee suuqyada Somaliland.
  2. In la joojin doono shirkadaha ka shaqeeya dhinaca sarifka lacagaha qalaad, iyada oo awooda sarifkana uu yeelan doono baanka dhexe ee Somaliland.
  3. In la kordhiyo cashuuraha laga qaado shirkadaha wadanka soo galiya qaadka.

Talaabooyinkan ayaa waxa dhawaan sii bidhaamiyay Madaxweyne Muuse Biixi oo sheegay in la soo saarayo talaabooyin wax lagaga qabanayo sicir bararka dhibaatada ku noqday shacabka Somaliland, waxaana la eegi doona in talaabooyinkan iyo kuwo kale oo ay xukuumadu soo wadaa ay daawo u noqdaan sicir bararka iyo qiime dhaca lacagta Somaliland iyo in dhibaatadii sicir bararku noqoto mid halkeedii ka sii socota.

Go’aamadan ayaa la filayaa inay xukuumadda Somaliland si rasmi ah u baahiso,waxaana la sheegay inay shirkadaha ganacsi ee dalku aqbaleen fulintooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here