Damac: Nin Walaashii Ku Wareejiyey Mulkiyadda Ganacsigii Xaaskiisa Oo Ay Isaga Ku Aamintay

0
754

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa sheego murugo xambaarsan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay qaar ka mid ah wargeysyada Carabta oo faafiyey.

Gabadh la yidhaahdo, Amal oo ah gabadh lacag iyo hanti fara badan Alle siiyey ayaa isku dayday in ay khaarajiso ninkeeda oo ahaa Garyaqaan dhalinyaro ah, laakiin waqtigiisa ayaan dhammaan oo waa uu ka badbaaday, dad badan ayaana bilowgii u arkay gabadh kibirka ladnaantu uu qaaday oo ku xag gudbaysa saygeeda, laakiin markii warbaahinta oo dabagashay qisadani ay bannaanka soo dhigeen xaqiiqada qisada Amal ku kalliftay isku dayga dilka saygeeda, ayaa ay dad badani dib uga noqdeen fikirkii ay hore gabadhan uga qaateen, ama ugu yaraan waxa ay ka garaabeen xanuunka qisada ku dhacday iyo in ay tahay arrin shaydaanka uga faa’idaysan karo in ay ku fikirto falkan sharci darrada ah, waana tan qisadii oo dhamaystirani:

Amal oo ahayd aqoonyahannad dhamaysatay heer jaamacadeed waxa ay deyn badan ka amaahatay Bangi, kadib waxa ay hirgelisay mashruuc yar oo ganacsi balse faa’ido badan ay ka heshay, markii uu batay ganacsigii Amal iyadana uu galay hammi ah in ay sii ballaadhiso hawlaheeda ganacsi, horumarna samayso ayaa ay go’aan ku gaadhay in ay guursato nin karti badan oo la maamula ganacsiga iyo shaqada ay ku keliyeysatay.

Qareenkii shirkaddeeda oo ahaa nin dhalinyar oo caqli badani ka muuqdo ayaa ay muddaba Amal aad u xiisaynaysay, waxa aanay go’aansatay in ay isaga ka dhigto ruuxii buuxin lahaa kaalintii ay doonaysay, waxa aanay u hawlgashay sidii ay arrinkeeda ugala hadli lahayd uguna qancin lahayd in ay isguursadaan. Arrintaas oo ay ku guulaysatay.

Guurka kadib waxa ay Amal saygeedan cusub ku wareejisay maamulkii iyo maarayntii shaqada shirkadda, isaga oo isla markaana weli sii hayey xilkiisii ahaa qareenka guud ee shirkadda Amal. Ganacsigii Amal waa uu sii ballaadhay, waxaana si aad ah u kordhay raasamaalkii shirkadda, taas oo Amal ku sii badisay kalgacalkii ay saygeeda u qabtay, maadaama oo ay u aragtay in aanay ku hungoobin wixii ay ka filaysay.

Nasiib darro Amal wax ubad ah uma ay dhalin ninkeedan ay jeclayd, sida ay gabadh kasta oo mustaqbal jeceliba ku fikirto ayaanay habeen iyo maalinba ugu fikiri jirtay sidii ay ku gaadhi lahayd nimcada hooyonimada. Waxa ay la xidhiidhay dhakhaatiir fara badan oo aad u heer sarreeya, kuwaas oo u xaqiijiyey in ay caafimaad qabto oo aanu jirin wax cafimaad ahaan u diidaya in ay ubad dhasho. Dhakhaatiirtani waxa ay Amal kula taliyeen in bal ninkeeduna uu isku sameeyo baadhitaan caafimaad. In kasta oo ay muddo ka yara waabanaysay in ay arrinkan u bandhigto ninkeeda, aakhirkii waa ay ku dhiirratay, waxase kaga yimid jawaab celin aanay ka filayn. Markii ay u bandhigtay in uu la xidhiidho dhakhaatiir ku takhasustay arrimaha dhalmada, si uu isu hubiyo, haddii ay cilladi jirtana dabiib loogu raadiyo, maadaama oo ay dhaqaale ahaan awoodaan kharash kasta oo looga baahdo. Si adag ayaa uu ninkii uga hor yimi fikirkeeda, weliba inta uu canaan indhaha kaga dhacay ayaa uu af buuxa ugu sheegay in aanu danaynay in uu Ubad dhalo, intaas kuma uu joogsan ee waxa uu ugaba digay in ay mar dambe la xidhiidho Dhakhaatiir, arrimahan ku shaqo leh. Arrintani waxa ay Amal ku beertay in ay shaki ka qaaddo in ka shakido shakhsiyadda daahsoon ee saygeeda iyo waxa uu ku hawlan yahay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa ay ka dalbatay saygeedii bal in uu u soo bandhigo qorshaha shaqo ee ganacsiga iyo xisaabta shirkadda oo aanay muddo ka warhelin halka ay marayso?

Amakaagga iyo naxdintu waxa ay Amal haleeleen markii ay ogaatay in xisaabteeda  bangigu ay Eber (0) tahay, kaba sii daran ee mulkiyaddii Ganacsigeedana waxa lagu wareejiyey magaca gabadh ay walaalo yihiin saygeeda (Dumaashideed).

Markii inta ay cadhootay ka dalbatay saygeedu in uu caddeeyo arrimahanna si fudud ayaa uu ugu dhiibay waraaqdii furitaanka oo uu sii diyaariyey. Ninkan waxa u suurto geliyey hawlahan in uu ahaa Amal saygeeda oo ay iyadu saxeexyada iyo mulkiyadda isaga ku wareejisay markii ay xilka shirkadda u dhiibaysay, iyo in uu ahaa Looyarka keliya ee sharciyan uu lahaa ganacsiga Amal, sidaa awgeed uu sifo sharci ah u maray boobka iyo dhaca ganacsiga Amal. Qisadan oo markii uu wargeysku soo xiganayey weli bilow ahayd, kiiskeeduna ku jiray maxkamadda ayaanay inoo suurtogelin in aynu ogaanno, intaas kadib waxa ay ku dhammaatay.