Dr. Sifir Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Xilka Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Qaaday Iyo Doodiisa Hadal La Aaminsanyahay Inuu Xil Ka Qaadista Sababay

0
631

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac (Sifir) oo ahaa wakiilkii Kenya ee Somaliland ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadista uu Madaxweyne Siilaanyo kaga fadhiisiyay shaqadii uu qaranka u hayay. Dr. Sifir oo isagoo jooga magaalada Newyork ee dalka Maraykanka, xalay Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu sheegay inaanu dhibsanayn xil ka qaadista lagu sameeyay, isagoo xusay inuu arrimo caafimaad oo uu Madaxweynuhu ogyahay ugu maqanyahay dalka Maraykanka. “December ayaan Nayrobi ka imid, November-na waxaan soo maray Hargeysa, madaxweynahana waanu is aragnay waanan u sheegay in aan caafimaad u baxaayo isaga iyo wasiirka khaarajigaba, markaa caafimaadkii ayaan ku maqnaa anigu, iyagana waan u sheegay in aanu xagayga culays kaga imanayn haddii ay meesha cid u magacaabayaan, malaha way i raagsadeen oo waxay u baahdeen inay meesha cid geeyaan.” Ayuu yidhi Dr. Sifir oo ka hadlaya xil ka qaadista.

Mar la weydiiyay bal sida uu u arko wuxuu yidhi “Dareenkaygu waa fiican yahay, awalba dalka awgii ayaan meesha u joogay, wixii karaankayga ahna waan ka soo qabtay, wixii intaa ka dambeeyaa waa wax ku xidhan dawlada iyo karaankeeda iyo itijaaha ay qaadanayso.”

Dr. Sifir oo la weydiiyay in xil ka qaadistiisu la xidhiidho hadal uu dhawaan ka sheegay idaacadda VOA qaybteeda Soomaalida oo ka hadlayay Somaliland wuxuu yidhi “Taas cidiba si’ ayey u aragtay, aniga dad badan oo igu hambalyeyay oo Hargeysa igala soo hadlayna way jiraan, waxa duray hadalkaygii waa labada xisbi ee mucaaradka ah oo ku sababaynaayey Maxamuud waligiiba Soomaaliweyn ayuu ahaa oo Siilaanyo ayuu ka wakiil yahay, siilaanyana waa isku rayi, waxaasi waa caqliga nimanka doonaya inay dalka xukumaan. Farriinta aan u dirayaa iyaga iyo dadka Somaliland waxa weeye mushkiladu maaha madax banaanideena ayaa la nina diidanyahay nina ogolyahay ee waa wadada loo maraayo oo aanay nimankan siyaasiyiinta ahi marna sheegayn, markaa anigoo is leh waayo arag ayaad tahay oo xaaladana aad uga war yahay ta Somaliland, Soomaaliya iyo beesha caalamkaba wuxuu rayigaygu ku tiirsanaa in qaabka loo wada hadlay iyo farsamaduba intuba inay cilado lahaayeen”

Dr. Sifir oo la weydiiyay talada uu u jeedin lahaa wakiilka cusub ee lagu bedelay Md. Cali Salaan Jire (Cali Shoombe) wuxuu yidhi “Waan u hambalyeynayaa, khayr iyo guul ayaan u rajaynayaa marka uu ii baahdana diyaar ayaan u ahay.”