Arrimo Burburiya Awoodda Maskaxeed Ee Qofka

0
598

Picture7Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey arrimo ay khubarada cilmunafsigu xaqiijiyeen in haddii aanu qofku iska ilaalin ay ku keeni karaan burbur iyo hawlgab ku yimaada awoodda maskaxeed ee qofka.

3. Aragtida dadka kale oo aad dhegeysan weydo: Qof jaahil ah ayuun baa aamina in aragtidiisu ay tahay tan keliya ee qumman. Waxaa hubaal ah in haddii arrin aan ku fikiraysay aad kala sheekayso dad kala duwan, in aad ka heli doonto afkaar badan, sidaa awgeed waxa aad aamintaa in fikirka fiicani uu fikir fiican uun ahaanayo, xitaa haddii cid aan adiga ahayn uu ka yimi. Weligaa ha diidin talo qof kale ka timid, adiga oo keliya u arkaya in aanay fiicnayn in uu arrinkaaga erey ku darsado.

4. Is beddelka oo aad ka baqato: Qof kasta oo xikmad lihi waa uu garanayaa in si kasta oo aad isbeddelka isaga ilaaliso ay haddana lama huraan tahay in maalin uun maalmaha ka mid ah uu kugu iman doono. Sidaa awgeed isbeddelka oo aad iska caabbidaa waa waqti lumis iyo juhdi aad ku bixinayso meel aan ku habboonayn, in aad fikirka iyo hawlaha shaqo ee maskaxdaada ku mashquuliso ka hortagga isbeddelka kugu imana kara, waxaa ka fiican in aad ka fikirto sida ugu habboon ee aad ula jaan qaadi karto isbeddelkaas una yarayn karto dhibta uu ku keeni karo duruufaha aad xiisaynayso ee aad hadda ku jirto.

5. Afarta jiho oo aad iska soo xidhaa, waxa ay burburisaa maskaxdaada: Dadaal kasta oo aad samayso, suurtogal ma’aha in aad garato wax kasta oo jira, xitaa wax badan oo aad u haysato in aad garanayso ayaa ay xaqiiqadu tahay in aanad garanayn ama si dhammaystiran u wada aqoonin. Haddii aad u qaadato in aqoon korodhsi badani aanu kaa maqnayn, waxa aad ogaataa in aanay maskaxdaadu wax horumar ah samayn karin, taas macnaheeduna uu noqonayo in noloshaadu ay halkaas ku istaagayso.

6. Cid kale oo aad u ogolaato in ay go’aamada kuu gaadho: Khubarada cilmunafsigu waxa ay iska daba mareen in qofku ay tahay in uu isagu nafihiisa u qaato go’aamada noloshiisa taabanaya. Iska jir in aad dad kale u ogolaato in ay iyagu kuu go’aamiyaan, taas macnaheeda oo a in masuuliyaddaadii ay cid kale la wareegayso, iyada oo aad og tahay in natiijada ka dhalata go’aankaasi haddii ay noqoto mid daran, cidda dhibteedu madaxa kaga dhacaysaa in ay adiga tahay. Maskaxdaada oo aad u diiddo xaqii ay u lahayd in ay ka go’aan qaadato danaheeda iyo masiirkeedu waxa ay bilow u tahay in ay hawlgabto, ogowna oo haddii aanad ku dhiirran karin iska caabbinta iyo in aad waajahdo fashilaadda, ma’ awoodi doontid in aad guulaysato. La soco…