Dalka Kanada Oo Jinsiyad Siiyey Ilmo Yar Oo Ku Dhex Dhashay Diyaarad Haadaysay Hawada Sare Dalkeeda

0
775

Picture7Ottawa (Geeska)-  Waaxda socdaalka ee dalka Canada ayaa go'aamisay in jinsiyadda dalka Canada la siiyo gabadh yar oo ay dhashay hooyo u dhalatay dalka Uganda oo saarnayd diyaarad dul maraysay dalka Kanada. Sababta ay inantan yari ku heshay jinsiyadda dalka Canada ayaa ay muuliyiinta dalkaasi ku sheegeen in inantan yar oo ku dul dhalatay diyaarad mar ay hooyadeed safar ku jirtay, saacaddii ay dhalatay in ay diyaaraddu dul haadaysay hawada dalka Canada.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay Wargeyska Ottawa Citizen ee ka soo baxa caasimadda dalka Canada ayaa qoray in inantan yar oo loo bixyey Sasha, ay ku dul dhalatay diyaarad hooyadeed ku safraysay oo ka timid magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Holland una socotay magaalada Boston ee dalka Maraykanka. Hooyadan oo magaceeda la qariyey ayaa umushay inantan yar 6 saac kadib markii ay diyaaraddu soo kacday, waxa aanay dhalashada inanteedu ku soo beegantay mar ay diyaaraddu dul maraysay hawada dalka Canada. Saasha waxa ay noqonaysaa qofkii ugu horreeyey ee jinsiyadda dalka Canada ku hela qaabkan oo uu ogol yahay xeerka jinsiyadaha ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay wasiirka Socdaalka ee dalka Canada Jason Kenny ayaa sheegay in sida uu dhigayo xeerkani qof kasta oo ku dhasha dalka Canada uu mutaysanayo jinsiyadda dalkaas, afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, "Markii aanu dib u eegnay sharciga socdaalka waxa aanu xaqiiqsannay in qodobkani saamaynayo qof kasta oo ku dhasha dalka Canada, xataa haddii ay tahay hawada sare ee dalkaas" Afhayeenku waxa uu caddeeyey in xeerkani uu u aqoonsan tahay in hawada sare ee dalkaasi ka mid tahay dalka sidaa awgeedna qof ka ku dhasha loo arkayo muwaadin reer Canada ah.