Dalalka Helitaanka Jinsiyaddooda Ay Ugu Fududahay Adduunka Iyo Habka Loo Maro

0
747

Inkasta oo adduunyada oo dhami dagaal kula jirto soogalaytiga haddana waxaa barbar socda tartan ay ugu jiraan kasbashada dadka xirfadda leh ama aqoontoodu sarrayso. Xawaaraha koritaanka dhaqaaluhu ku socdo iyo kaalinta ay aqoonta iyo xoogga aadamuhu ku leedahay ayaana ka mis ah sababa ay dalal badani si dhib yar jinsiyadaha u siiyaan dadka aqoontoodu sarrayso iyo hal-abuurka dalalka kale u dhashay.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay Talefishanka Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa tiro dalal ah oo helitaanka jinsiyaddoodu ay fududahay iyo shuruudaha ku xidhan:

Jamhuuriyadda Domincan

Jamhuuriyadda Dominican oo Koonfurta Ameerika dhacda ayaa ah dalka helitaanka jinsiyaddiisu ugu fududahay adduunka oo dhan. In qofka soogalaytiga ahi muwaadin noqdo shardiga keliya ee ku xidhani waa in uu ka shaqeeyo shaqo dalka dibaddiisa ah oo uu mushaharkeeda bishii uu yahay kun iyo shan boqol (1’500) oo doolar.

Mar haddii aad haysato shaqo mushaharkeedu xaddigan leegyahay waxa keliya ee lagaa rabaa waa in aad dalbato deggenaanshiyo rasmi ah, laba sano kaddibnawaxa aad dalbanaysaa  muwaadinnimada. Marka la isku daro muddada uu qofku jinsiyadaku helayaanawaa saddex sano oo ay ku jiraan labada sano ee deggenaanshiyuhu. Laba shardi oo kale oo iyaguna helitaanka jinsiyadda dalkan ku xidhan ayaa ah in aad ku hadli karto afka Spanish ka, iyada oo weliba aad xaq u yeelanayso in su’aalaha imtixaanka lagaa qaadayo iyo jawaabahooda lagu sii siiyo imtixaanka ka hore si aad keliya u qaybto. Waxa kale oo laguugu samaynayaa shaydbaadh caafimaad.

Dalka Dominican waxa uu ka mid yahay dalalka adduunka ee ogol in qofku uu jinsiyado kala duwan  qaadan karo.

Belgium

Beljam waa dalka dalalka Yurub ugu fudud dhinaca helitaanka jinsiyadda. Keliya in aad dalkaas joogto shaqana haysato ayaa xaq kuu siinaya in aad hesho deggenaanshiyaha dalka.  Haddii aad shaqo ka hayso dalka Beljam, isla markaana ay kaa muuqato in xirfadda iyo kartidaada shaqo ee yihiin kuwo dalku u baahan yahay, tusaale ahaan in aad xirfad iyo aqonsare u leedahay dhaqanka iyo sayniska. Waxaa kugu filan keliya in loo shaqeeyaha aad tusto oo si aqoon leh ugu sheegto in shaqadu aanay soconayn.

Poland

Dalka Polland  qofka saddex sano oo xidhidhsan jooga, isla markaana ku leh guri hanti lah, helitaanka dakhliga maalin nololeedkiisana la hubo, waxa uu xaq u yeelanayaa in uu dalban karo jinsiyadda dalka.

Laakiin waxaa xiise leh mid ka mid ah su’aalaha laguugu weydiinayo imtixaanka qofka laga qaado helitaanka jinsiyadda ka hor. Waa su’aal ay hubaal tahay in qof kasta la weydiiyo, laakiin jawaabteedu ay si gaar ah xasaasiyad u leedahay, maadaama oo ay sabab u noqon karto in aad hesho jinsiyadda iyo in aad weydo labadaba. “Waxaa maxay sababta aad u doonayso in aad hesho jinsiyadda Poland?” ayaa lagu weydiinayaa. Waxaana lagaa rabaa in aad si badheedhe ah uga jawaabto.

Dalkaaga oo ay dhibaatooyin kaa soo eryeen. Ama in aad doonayso inaad tagto dal dalkaaga ka horumarsan oo aad noloshaada ku dhisi karto, ayaa ka mid ah jawaabaha inta badan lagu jawaabo ee la aqbalo. Laakiin jawaabta oo keliya lama eegayo ee waxaa hadalkaaga laga dhex dhadhansanayaa xidhiidhka aad la leedahay saaxiibbadaada shaqada, iyo dadka kugu xeeran. Waxa kale oo lagaa eegayaa sida aad ugu heellantahay barashada afka Poland. Iyo in aad sheegto sabab maangal ah oo kugu kalliftay in aan jinsiyadda dalkan raadsato.

Sharciga dalkani waxa uu dhigayaa isla marka jinsiyadda lagu siiyo aad yeelanayso xuquuqda muwaadinka caadiga ah oo dhammaystiran. Sida oo kale waxaa laguu ogolaanayaa in aad soo kaxaysan karto xubnaha qoyskaaga koowaad (Waalidka iyo walaalaha).

Brazil

Dalka Baraasiil waxa uu jinsiyadda siiyaa qof kasta oo muddo afar sano ah si joogto ah ugu noolaa dalkaas. Waxa kale oo jinsiyadda dalkaas lagu helaa guurka wiil ama gabadh u dhashay dalkaas. Ilmaha ku dhasha dalka Baraasiil waxa uu xaq u leeyahay muwaadinnimo, isla marka ilmuhu jinsiyadda qaatana waxa uu u qaado karaa labadiisa waalid. Dadka hantida ku leh dalka Baraasiil ama ganacsiyada dalka waxtarka u lihi uga filan yahay, waxa ay heli karaan jinsiyadda dalkaas. Sida oo kale waxa uu soo kaxaysan karaa qoysaskiisa haddii u udammaanad qaadi karo noloshooda. Waxaa iyaduna waajib ah in la barto afka Burtuqiiska oo dalkaas lagaga hadlo.

Peru

Dalka Peru oo ku yaalla Koonfurta Ameerika waxa uu ka mid yahay dalalka sida fudud loo heli karo jinsiyaddooda muwaadinnimo. Waxa keliya ee qofka looga baahan yahay waa in uu keeno caddayn muujinaysa in bishii uu qaato mushahar dhan kun doolar. Waxaa se shardi kale ah in marka hore aad dalka ku soo gashay fiise waxbarasho ama maalgashi, xitaa haddii aanad ku guulaysan ama sii wadin labadaas. Waxa kale oo qofka laga rabaa in uu maro imtixaan afka iyo taariikhda dalka la xidhiidha.

Japan

Haddii aad dalka Jabbaan ku negaato shan sano oo is xiga wada aad dalban kartaa jinsiyadda dalkaas. Laakiin waxa uu dalkani dalalkii hore oo dhan kaga duwan yahay, waa in aanu ogolayn in uu qofku sito hal jinsiyad wax ka badan. Sidaa awgeed qofka jinsiyadda dalka Jabbaan dalbanayaa waa in uu ka tanaasulo dhammaan jinsiyadihiisii hore oo dhan. Marka labadaa arrin laga tago ma jiraan shuruudo kale oo badan oo qofka kaga xidhan jinsiyadda. Marka laga reebo shuruud ay ka mid tahay in da’da qofka jinsiyadda dalabanayaa ay noqoto ugu yaraan 20 sano, in uu hab dhaqan iyo dad la macaamil fiican lagu arkay intii uu dalka joogay, isla markaana dalkiisii uu ka dhex ahaa muwaadin anshax leh. Waxa kale oo laga rabaa in uu leehay dakhli dhaqaale oo uu ku noolaan karo, in uu ku dhaarto dhaarta jinsiyadda ee dalkaas, in uu la baxo magac sharci sida dhaqanka dalkaasi yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here