Daladda SONYO Oo Walaac Ka Muujisay Tahriibka Dhallinyarada

1
635

Picture1Hargeysa(Geeska)-Dalada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa walaac xoogan ka muujisay heerka tahriibka ee dhalinyarada Somaliland ay ugu tacabirayaan dalka dibadiisa,waxaanay xukuumada u soo jeediyeen inay gacan bir ah ku qabto dhalinyarada tahriibka u socota iyada oo kaashanaysa dawlada Itooobiya.

 

Waxaay arimahan iyo kuwo kaleba ay dalada dhalinyarada ee SONYO kaga hadashay war-saxaafadeed ay soo saareen isaga oo dhamaystirana waxa uu u dhignaa sidan

“ Tahriibka dhalinyarada JSL ayaa noqday masiibo qaran oo haligta dhalinyarada JSL qarnigan 21aad. Dhalinyarada JSL oo war-war ka qaba dihnaanta mustaqbalka, leeleel iyo ladnaan midkuu u sido, iyo waayaha mustaqbalku ku qaabili doono dalkooda hooyo, ayaa raxan raxan maalin walba uga suudala dalka, una badheedha saxare kulayl badan oo baaxad leh iyo badweyn aan lahayn geed la cuskado. Waxa sii kordhaya qul-qulka dhalinyarada tahriibaysa, una suudalaysa dhul iyo gayi ayna xoq badan ka haynin, iyaga oo miidaaminaya noloshooda.

Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee Jamhuuriyada Soomaaliland ee SONYO, oo wal-wal iyo walaac balaadhan ka qabta tahriibka dhalinyarada dalka JSL oo sii kordhaya oo gaadhay heerkii ugu sareeyey ee abid uu gaadho tahriibku, waxay tacsi tiiraanyo iyo murugo badan leh u diraysaa dhalinyarada JSL iyo qaranka dhammaantii, gaar ahaan waalidkii ubadkoodii ku haligmeen doonyaha dhawaan qarqoomay. Waxaanu leenahay dhalinyaradu waa xoogii iyo dhuuxii dalka, geeridooduna waa laf-jabkii dalka hooyo.

Korodhka tahriibka iyo sibiq dhaqaaqa dhalinyarada JSL oo halacsanaya nolol dhalaan habaabis iyo dhalanteed ah, waxa qaybta ugu wayn ka qaatay shabakad aboolayaal ah oo tahriibiya dhalinyarada, kuna macaasha surmiga iyo shalaqsiga dhiiga dhalinyarada iyo ilmada ka tif leh waalidkii dhalay. Waxaanu ku baaqaynaa:

In Xukumada JSL gacan bir ah ku qabato, xididadna u siibto, waxa ka hadhay inta la qab-qabtay mooyee, shabakadaha aboolayaasha ah ee tahriibiya dhalinyarada JSL, oo ah shabakado dambiilayaal ah oo ku macaasha geerida iyo diihaalka dhalinyarteena. Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO-yana waxa ay gacan buuxda ku siin doontaa arintan dawlada sidii ay horeba u siisay, si loo xaqiijiyo cidhib tirka shabakadahan.

In Xukuumada JSL iskaashi dawliya kala samayso dalka Ethiopia cidhib tirka shabakadahan tahriibiya dhalinyarada wixii ka baxsan xuduudka JSL.

In waalidku ka warhayo waxa laabta ubadkooda kohanayso, wacyi fiicana ka siiyo khatarta dhabta ah ee tahriibta, ka hor intaanu ilmuhu u xadhko xidhan tahriib.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhalinyarada JSL in ay ka dhawrsadaan khatarta Tahriibka.

Waxa kale oo aanu ku boorinaynaa Shacbi weynaha Jamhuuriyada Somaliland in dhan looga soo wada jeesto bad-baadinta dhalinyarada JSL.”

Comments are closed.