Wararkii U Dambeeyay Ee Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Kuwo Reer Somaliland Ah Oo Qaar Ka Mid Ah La Badbaadiyay Iyo Kuwo Kale Oo Weli Biyaha Ku Jira

0
541

Picture5Hargeysa(Geeska)-Doonyo ay qaaday dad tahriibayaal ah oo ay ku jiraan kuwo reer Somaliland ahi, ayaa qaarkood la sheegayaa inay gaadheen xeebaha Talyaaniga iyo jasiirada Malta, halka kuwo kalena la sheegayo inay weli dhex sabaynayaan badweynta. Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan in la badbaadiyay tahriibayaal badan, halka kuwo kalena la la’yahay. Tahriibayaashan ayaa naftooda biimeeyay iyadoo ay biyaha baddu kacsanyihiin wakhtigan.

Doonyahaas ayaa afartii caano maal ee la soo dhaafay wakhtiyo kala duwan ka baxay xeebaha wadanka Liibiya. Wakaaladaha wararka, ayaa shalay baahiyay dhibaato qabsatay dooni yar oo shiraac ah oo ay saarnaayeen dad  tahriibayaal ah oo ka tagay xeebaha Liibiya. Doonidaas ayaa la sheegay inay ciladi ku timid iyadoo badweynta maraysa, waxaanay gacan qabasho ka codsadeen dooni kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Tansaniya taas oo markii hore ogolaatay balse markii ay tahriibayaasha qaar u holodeen inay fuulaan ka  dhaqaaqday, waxaana markaas shilkaas ku dhintay 7 ruux oo ka mid ah tahriibayaashaas. Waxase intii hadhay oo la sheegay inay yihiin dhawr iyo sagaashan ruux badbaadiyay ciidamada ilaalada xeebaha ee Talyaaniga, waxaana la geeyay jasiirada Lampadusa.

Ciidamada Malta ayaa iyaguna badbaadiyay dooni kale oo ka tagtay xeebaha Liibiya, waxaanay dadkaas tahriibayaasha ah geeyeen xero. Waxaana jasiirada Malta gaadhay labadii maalmood ee Sabtidii iyo Axadii tahriibayaal lagu qiyaasay 120 ruux, kuwaas oo ka tagay xeebaha Liibiya. Afhayeen u hadlay ciidamada badda ee Malta ayaa sheegay inay Sabtidii badbaadiyeen 23 tahriibe oo Somali ah oo ay ku jirtay gabadh uur lihi, kuwaas oo biyaha dhex sabaynayay. 20 ka mid ah ayaa rag ahaa tahriibayaashan, waxaanay sheegeen inay ka tahriibeen xeebaha Liibiya.

Dadkan tahriibayaasha ah ee la badbaadiyay lama kala sheegin dalalka ay u kala dhasheen, waxase ku jira dad reer Somaliland ah oo wadankaas Liibiya ka tahriibay.