Daladda SONYO Oo Hadhimo Sharafeed Ku Qaabishay Maayarka Hargeysa

0
564

Picture1Hargeysa(Geeska)- Daladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa  hadhimo sharafeed u samaysay maayarka cusub ee Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).

Hadhimo sharafeeddan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa ay ka soo qayb-galeen 5 xubnood oo ay haggaaminayaan maayarka iyo maayer xigeenka caasimada Hargeysa. Hadhimo sharafeeddan oo ahayd mid xog badan la isku wayddaarsaday ayaa ku soo gaba-gabowday jawi wanaagsan iyo is af garad ay Dallada SONYO iyo Gollaha Deegaanka Hargeisa iskula qaateen in wada shaqayn tolmoonni dhex marto isla markaana ay si wada jira uga hawl-galaan taaba galinta qorshayaaha horumarineed ee dhallinyarada iyo kobcinta da'yarta ku nool Caasimada Hargeysa.

Dalladda heer qaran ee ururada dhallinyarada Somaliland Ee SONYO waxa ay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa shacabka Somaliland gaar ahaan Maayarka cusub Ee loodoortay caasimada Hargeysa oo ah maayar dhalinyaro ah, masuuliyiinta sare Ee dallada SONYO oo u fidiy qaabilay Hadhimo sharafeed Maayarkan cusub taas oo lagu qabtay ee Hotelka African Village eek u yaalla Galbeedka Caasimada Hargeysa.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiyaha Dallada SONYO Mudane Mubarik Ismaaciil Taani, Isagoo nuxurka hadalkiisa ku bilaabay sidan “Anigoo ku hadlaya Afka Dallada Heer Qaran ee Dhallinyarada Jamhuuriyada Somaliland waxaannu hambalyeynayaa Maayarka Cusub ee Caasimada Hargeysa Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiidoo loo doortay in uu noqdo maayarka cusub Ee Caasiamada hargeysa isagoo hoggaamin doona Gollaha cusub ee deegaanka ee dhawaan la doortay”.

Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid  oo aanu ku naqaan dadaal iyo karti dheeraad ah waxaanu rajaynaynaa in uu wax badan ka qaban doono baahiyaha aasaasiga ah ee Caasimada hargeysa iyo in uu shacabkiisa reer Hargeysaugu adeegi doono sida ugu wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan xubnaha ku soo baxay golayaasha deegaanka dalka ee dhallinyarada ah waxaa la gudboon in ay hammigii dhallinyarada ka dhabeeyaan si berri ka maalin loo arko cududda dhallinyarada iyo wax qabadkooda.