Abwaan Hadraawi Oo Hogatus Ka Jeediyay Madal Lagu Gorfeeyay Diiwaanka Culuumta Maansada

0
816

Hargeysa (Geeska) – Jaamacadda Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Munaasibad magaceedu yahay Jaamacadda Hargeysa iyo Habeenka SUUGAANTA oo lagu daadihinayay aqoon la xidhiidha afka, dhaqanka, naxwaha, suugaanta Soomaalida iyo  dhiganeha CULUUMTA MAANSADA oo uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr.

Waxa ka soo qaybgelay abwaanno, qorayaal iyo aqoonyahanno ay ka mid yihiin: Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame “Hurre Walanwal”, Abwaan C/Waaxid Cali Gamadiid, Abwaan Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed “Dool”, Abwaan Maxamuud Xaaji Saleebaan “Waraabe”, Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku-xigeenka Somali PEN, Axmed Muxumed Madar Guddoomiyeha Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland iyo Maamulka iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa.

Ugu horreyn qoraaga Siciid Maxamuud Gahayr ayaa ka hadlay nuxurka uu buuggani xambaarsan yahay gaar ahaan godadka maansada iyo adeegsiga dareennada ee suugaanyahannada oo u si waafi ah uga hadlay, isagoo intaas raaciyay in casharradii suugaanta dib looga bilaabu doono Jaamacadda Hargeysa. Abwaan Hurre Walanwal ayaa ardayda ku guubaabiyay inay bartaan afka sii dabar go’aya isaga oo madasha ka akhriyay maanso jacayl ah oo uu tiriyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Somali PEN Farduus Siciid Dirir ayaa qoraaga ku bogaadisay dedaalka uu sameeyay iyadoo xustay inuu yahay xubin ka tirsan Somali PEN.

Abwaan C/Waaxid Gamadiid, Abwaan  Waraabe iyo Macallin Axmed-yaasiin C/Raxmaan (Dool) ayaa golaha ka tiriyay tixo abbaaro kala duwan faaqidayay iyo weedho hambalyo u ah dhiganaha la gorfeeyay.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) ayaa gebabagabdii munaasibadda jeediyay khudbad isugu jirta waano iyo wacyi-gelin taas oo uu ku socotay ardayda isagoo kula dardaarmay inay dhaqankooda gaws-dambeedka ku qaniinaan, hadalladiisiina waxa ka mid ahaa “Ardayga Ingiriiska u dhashay waxa wax loo baraa in uu adiga ku gumaysto, waxa loo baahan yahay in aad taa ogaataan oo ku baraarugsanaataan yeelataanna wixii aad kaga hortagilahaydeen aqoon ahaan iyo maskax ahaanba”.

Waxa kale oo hadalladii guubaabada iyo garasho taabasha lahaa ee Hadraawi ka mid ahaa “Qof wal oo Aadame ahi nolosha kaalin buu ku leeyahay waxaana idin suga hawlo nololeed oo baahsan loona baahan yahay in aad si karti iyo xilkasnimo leh uga soo baxdaan ee aydaan noqon kuwo moog oo ku baraaruga kolka ay gaadhaan xiligii looga baahnaa gudagalka hawlahaa”

Guntii iyo gunaanadkii  ereyadii xaradhaaminta ahaa ee garaadka ardayda aadka u saameeyey waxa ka mid ahaa kii abwaanku ku soo af-meeray tuduc ka mid ah gabay u tiriyay Abwaan Salaan Carrabay oo ahaa “Nin yaraan ku loofaray, wuxuu lumiyey raacdee”.

Waxa sidoo kale madasha goob-joog ka ahaa qaar ka mid ahaa carruurtii uu dhalay Alle ha u naxariistee Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” iyadoo marxuumka madashada looga duceeyay, dhallaankiisana in Eebbe barakeeyo loo Alle-baryay. Guud ahaanna munaasibadda ayaa ku xidhantay jawi farxadeed.

Geesta kale baaqyadda ka dhanka ah waxqabad la'aanta Dawladda Hoose ee Burco   ayaa ku soo beegmay xili golaha deegaanka Burco khilaaf ka dhex jiro.