Siddeed Qodob Oo Laga Soo Saaray Shirweyne Lagaga Hadlay Aafada Kufsiga

0
487

Picture2Hargeysa(Geeska)-Shirweyne ay soo qaban qaabiyeen guddiga xuquuqal insaanka ee qaranka Somaliland, ayaa Arbacadii lagu soo gabagbeeyay magaalada Hargeysa.

Shirweynahaas, waxa lagu falanqeeyay aafada kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah haweenka, waxaana hadal ka jeedisay guddoomiyaha xuquuqal insaanka Somaliland Marwo Fatxiya Xuseen Axmed “Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo Komishanka Xuquuqda Aadamaha Qaranka, ujeedada kulankan oo ah bulshadeena oo ay ku soo badanayaan beryahan dambe dhaqano aan dalkeena hore uga jirin oo uu ka mid yahay kufsiga lagula koco caruurta iyo haweenka, waana inaynu iska kaashano hadaynu nahay, Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Wasaarada Caafimaadka, Xeer ilaalinta, Maxkamadaha, Police-ka, ururada Bulshada, Culimada iyo wax garadka Somaliland arintaas oo aan ku tilmaami karo tacadi ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha, sidaas daraadeed waxan u soo jeedinayaa ka soo qayb galayaasha inaynu ka wada hawl galo, maantana aynu ka soo saarno baaq wada jir ah. “

Shirweynahaas oo ay ka  qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada golaha sharci deginta, golaha guurtida, xubno wasiiro ah, Garsoorka, bilayska, Culumada, hogaamiye dhaqameedka, urururada bulshada, ayaa waxa laga soo saaray qodobadan oo ay halkaas ka akhriday Marwo Fatxiya Xuseen Axmed, oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqal insaanka Somaliland, waxaanay qodobadii kala yihiin sidan:

Qodobada Laga Soo Saaray Shirka:

• Shirku wuxuu u aqoonsaday in kufsigu yahay Aafo qaran oo bulshadeena naafaysay, una baahan in si wada jir ah meel uga soo wada jeestaan.

• In dawladu adkayso shuruucda iyo xukunka qofka ku kaca kufsiga, gudatana waajibaadka ka saaran xakamaynta iyo ka hortaga aafada kufsiga.

• In Hay’adaha sharcigu sida, Maxkamadaha, Xeer ilaalinta, ay ka waantoobaan kiisaska kufsiga ee maxkamadaha soo gala in lagu xaliyo xeer dhaqan.

• In maxkamaduhu ay dabaqaan  xeerka ciqaabta ee u yaala kufsiga.

• In golayaasha sharci dejintu ay soo saaraan xeer lagu xakamaynayo in kufsiga lagu dhameeyo xeer dhaqmeedka.

• In warbaahintu si mug leh uga qayb qaadato wacyi gelinta bulshada ka hortaga iyo joojinta kufsiga.

• In culimadu hormood ka noqoto xakamaynta iyo joojinta aafada qaran ee kufsiga, goob kasta iyo goor walba.

• Waalidiinta waxaanu ku boorinaynaa inay xil adag iska saaraan masuuliyada caruurtooda, si aan loogula kicin, isla markaasna aanay garab ku siin.