Dal Qorshaynaya In Uu Xabsiyada Iska Xidho Iyo Shaqaalihii Ka Hawlgalayey Oo Ka Cabanaya Arrintaas

0
573

Dubai (Geeska)- Dhacdo taariikhi ah oo dhegaha dadka dunida ku cusub ayaa uu noqday war dhowaan ka soo baxay dowladda dalka Holland oo xaqiijinaya in tirada maxaabiista dembiyada ee xadhiga mutaysataa ay si aad ah u yaraatay, illaa ay gaadhay heer tirada ciidamada ilaalada xabsiyadu ay ka tiro bataan maxaabiista.

Afhayeen u hadlay wasaaradda garsoorka ee dalka Holland ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore sheegay in dalkiisu uu wado daraasad uu ku ogaanayo sababta keentay hoos u dhaca xad dhaafka ah ee maxaabiista, si ay u noqoto duruus laga faa’idaysto, waxase jira dareen ah in xukunnada maxaabiista aan dembiyada waaweyn iyo dhagaraha gelin ee dalkaas lagu ridayaa ay aad u fudud yihiin, taasina ay keento in aan xabsiyada lagu raagin, waxase taas garab taalla natiijada sahamin lagu ogaanayey heerka ay dadka dalka Holland ku kalsoon yihiin garsoorkooda oo iftiimisay in dadka badankoodu ay isku raacsan yihiin in xukunnada garsoorka ee maxkamadaha dalkaasi ay yihiin kuwo caddaaladda la jira.

Dhinaca kalana warbixinnaha laga helay dalkaas ayaa sheegaya in wasaaradda garsoorka ee Holland ay ka shaqaynayso sidii ay u xidhi lahayd xabsiyada badankooda, shaqadana uga joojin lahayd Saddex Kun iyo Shan boqol oo qof oo hadda ka hawlgala shaqada xabsiyada, taas oo durba bilowday cabasho ay ururrada shaqaaluhu ku diiddan yihiin dadkaas shaqo beelaya.

Sida lagu sheegay warkan uu Geeska Afrika turjumay waxaa xiise gaar ah leh in dalka Holland uu ku yaallo xabsi lagu magacaabo Het Arresthuis oo ah qaddiimi laakiin dhowaan lagala mid dhigay hudheellada dunida ugu darajada sarreeya, oo maxbuusku uu ka helayo dhammaan waxyaabaha nolosha aadamaha raaxada u dhamaystira, waxa uu ka kooban yahay 150 qol, 36 ay yihiin qolal aad u waaweyn, waxa uu ka kooban yahay waaxo kala gaar ah oo mid kastaa ay leedahay magac u gaar ah, waxaana ka mid ah Waaxda Digtaatoork, Waardiye, Qareen iyo waaxda Garsoor.