Dal Dadkiisu 225 Kun Ka Yar Yihiin Oo Lagaga Hadlo 138 Af Oo Dhammaantood Hal Af Ka Soo Wada Jeeda

29
2976

Port Vila (Geeska)- Jamhuuriyadda Vanuatu waa jasiirad dhacda koonfurta badda Baasifigga, kuna dhow dalalka Ustareeliya, Fiji, New Uinea iuo jasiiradaha Solomon. Waa dawlad Baarlamaani ah oo bedka dhuleed ee ay ku fadhidaa dhan yahay 12,189 km2 dadkeedana lagu qiayaso 270 kun iyo 400 oo ruux.

Caadi ahaan waxa la yaqaannaa in dadka isku isirka ahi waxyaabaha ay wadaagaan uu afku ka mid yahay, dadka dega jamhuuriyadda Vanuatu isir ahaan boqolkiiba 98 iyo badh waxa ay ka soo jeedaan isirka Ni-Vanuatu, waxa aanay filashadu ahayd in ay isku af noqdaan ama ugu yaraan tirada afafka lagaga hadlaa koobnaato, laakiin sidaas ma’ay noqon. Arrimaha mucjisada ah ee dalkan ka jira waxaa ka mid ah in dadkaas marka horeba tirada yar ay ku kala hadlaan 138 af oo kala duwan, waa tiro haddii celcelis ahaan loo qiimeeyo u dhigan in 1960 kii qof ee kasta ee dalkaas ku dhaqani ay yeelanayaan af u gaar ah.

Waxa kale oo iyaduna dareenka cilmibaadhayaasha soo jiidatay in afafkaas aadka u kala duwan marka mid kasta taariikhdiisa dib loo raaco, la ogaanayo in ay ka soo isirmeen hal af oo ka mid ahaa afafka loo ku midaysan Austronesian oo dhulkaas lagaga hadli jiray, in hal af uu isu beddelo 138 af oo aan loo jeedin lahjado ee uu afaf kala noqday, waxaa ka sii yaab badan in dadkii afkaas asalka ah ku hadli jiray ee dhulkan deggenaa ay yihiin isir dabargoa’ay gebi ahaantiiba, xeeldheereyaasha raadraaca isirka iyo soo-jireenka dadkuna aaminsan yihiin in dadka imika deggen jamhuuriyadda Vanuatu ay isir ahaan ku dhow yihiin dadka deggen Papua New Guinea oo macnaheedu yahay in ay soogalooti ku yihiin dhulkan ay hadda dawladda ka dhigteen.

Marka la eego taariikhda dunida la yaab ma’aha in dad ka yimid deegaan kale ay degaan dhul aanay hore ugu isir lahayn oo ay weliba dadkii lahaa iyagu beddelaan, waana ay dhacdaa in dadka asal ahaan dhulka lahaa ay tiro yaraadaan ama sida marar kale dhacda ay dabar go’aanba, laakiin waxaa dhif ah in dadkii soogalootiga ahaa ee weliba isku isirka ahaa ay afafkoodii asalka aha aka soo guuraan oo ay dhaxlaan si rasmi ahna u isticmaalaan afka dadkii ay dhulka ugu yimaaddeen ee dabargo’ay, waana arrintaas ta xaaladda dalka Vanuatu ka dhigaysa mid dunida oo dhan yaab ku ah.

Warbixin arrintan ka warramaysa oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljasiira ayaa sheegaysa in koox cilmibaadheyaal caalamiya ah oo arrinta dadka Vanuatu u kuurgalay taariikhda ay umaddani u soo haajirtay dhulkan, waxyaabaha ay heleen ay ka mid tahay in afkani uu weli si xoog badan u jiro xilli dadkii iska lahaa dabargo’ooda laga joogo in ka badan 3 kun oo sannadood.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here