SBF Oo Farriin Muhiim Ah U Diraysa Ganacsatada Wadanka

0
808

Picture3SBF waxay ugu baaqday ganacsatada Soomaliland inay wareega 2-aad soo xareeyaan codsiyo. SBF waxay qabatay codsiyo tiradoodu dhan tahay 2114 codsi. Codsiyadaa badani waxay muujinayaan heerka dhaqdhaqaaq ee ganacsi ee jira. Dhamaan codsiyadii waa la qiimeeyay kuwii ku guulaystay inay u gudbaan tartanka labaadna waxa ay maamulka SBF u direen Bangiga Aduunka si loo sii shaandheeyo loona ansixiyo. Marka ay taasi soo dhamaatana war-saxaafadeed gaar ah ayaa la qaban doonaa. Guddiga Talo-Bixinta Deeqaha, Bangiga Aduunka iyo SBF-ba waxay aad u dhiirigalinayaan inay arkaan heerka sare ee dhaqdhaqaaqa iyo niyadsamida ganacsiga Somaliland taasi oo u fiican rajada horumarka Soomaliland SBF waxay jeceshahay inay taageerto tirada ugu badan ee mashaariicda la codsaday iyadoo loo eegayo xadiga miisaaniyada la hayo. Sikastaba ha ahaatee,miisaaniyada xadidan waxay tilmaamaysaa in mashaariicda ugu waxqabad iyo waxtar badan la taageero. 7% – da ugu sareeya codsiyada ayaa loo xuli doonaa inay soo xaraystaan codsiyo dhamaystiran. Codsadayaasha aan ku guulaysan, midkastaa waxuu heli doonaa fariin email ah oo loogu sheegi doono sababihii loo qaadan waayay. Marka la eego tirade sare ee codsadayaasha ee wareega 2aad ee SBF, waxaa mudan in la sameeyo kulano gaar ah oo xog-waran. Meelaha iyo waqtiyada la qabanayo kulanadaasi waxaa lagu soo qori doonaa joornaalada iyo barta internetka ee SBF Codsadayaasha la xushay waxaa loogu baaqi doonaa inay soo xareeyaan codsiyo dhamaystiran, tababarna waa loo furi doonaa si looga caawiyo samaynta codsiga labaad.

www.somalilandbusinessfund.com

Tel:4850660 Email:info.sombusinessfund@gmail.com Website:

www.somalilandbusinessfund.com

SBF waxa maalgaliya ‘’Danish International Development Agency (DANIDA)”, ‘’UK Dept. for International Development, (DfID)’’ iyo ‘’World Bank State and Peace-building Fund’’.