Madaxweyne Siilaanyo Oo Dugsanaya Ceebo Uu Ku Naqdiyi Jiray Xukuumadii Daahir Rayaale

0
627

rayaale

 

Cadadka 897aad ee Wargeyska Geeska Afrika oo soo baxay  20 March 2010, ayaa Madaxweyne Siilaanyo oo xilligaas ahaa guddoomiyaha KULMIYE, wuxuu ku yidhi, "Waxa la yidhi, Labadii xaqdarro ku heshiisaa xaqa ayay ku colowdaa, waa uun maamul xummidaa ummadu ku wadda ogtahay iyo qaab darraddaas mid tilmaan u ah weeye. waxaa ay isku hayaana waa uun wax kolay dantii ummadu ku dhex lumayso. waxaana halkaa ka muuqata in aan meeshan wax kaantarool ah oo hagaagsan oo meeshan yaalaa aanu jirine, nin waliba doonayo meesha uu joogo inuu isagu iska goosto oo uu sidii uu doono ka yeello." Madaxweyne Siilaanyo oo xilligaas waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu cabirayay dareenkiisa ku waajahan khilaaf adag oo maalmahaas ka dhex oognaa wasiirkii caafimaadka Md. Cabdi Haybe Maxamed iyo Agaasimihii guud ee wasaaradaas Dr. Anwar Maxamed Cige, oo labaduba ka tirsanaa xukuumadii Daahir Rayaale. Khilaafkas oo maalmahaas ahaa mid ay bulshadu wada maqashay ayaa isagoo Madaxweyne Siilaanyo ka sii hadlaya wuxuu yidhi, “Sharciyaddii wadanku meeday, goormaa ugu danbeysay waqti lagu dhaqmo…. Sharcigii beri hore ayaa dhinac la isaga dhigay. waxaasina waa waxyaabaha aynu dooneyno in aynu ummadda kala hadlo ee aynu u sheegayno ee aynu ka wadda warqabno oo maanta ummadda qof aan arrimahaas ka dheregsaneyni ma jirto. khilaafka xukuumaduna, waa markii ay ummadii soo kalla quusteen, dildilaacoodii oo maalin kasta soo baxaya."

Khilaafka uu Mudane Siilaanyo maalintaas ku dhaliilayay xukuumaddii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu maanta gondo dhigtay xukuumadiisa. Tiraba shan wasaaradood iyo agaasimayaashooda amaba wasiir xigeenadooda ayuu khilaaf ba’an oo dhinaca awoodda ahi ka dhex ooganyahay. Wasaaradaas waxa ugu dambaysay wasaaradda ciyaaraha oo wasiirka iyo agaasimaha guud uu ka dhex ooganyahay khilaaf dhinaca awoodda ah oo sababay inay isweydaarsadaan hadalo xanaf leh oo ay isku durayaan. Salaasadii la soo dhaafayna waxa is faro saaray guddoomiye xigeenka hay’adda shaqaalaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, kaas oo dhacay ka dib markii uu guddomiye-xigeenka hay’adda shaqaaluhu soo kormeeray wasaaradaas isagoo sida la sheegay hubinayay tirada shaqaalaha ah ee rasmi ahaan u shaqo tagta. Waxa kale oo jira wasaarado iyo hay’ado kale oo uu iyagana ka dhex ooganyahay khilaafaad kala duwan oo salka ku haya dhinac awooda iyo maamulka, dhammaantoodna madaxtooyada Somaliland waxay arrimahan ula socotaa si toos ah iyo si dad ban labadaba.

Haddaba, iyadoo mudadii uu Siilaanyo hadalkaas yidhi laga joogo 18 bilood oo uu 12 bilood oo ka mid ah talada dalka hayay, ayaa waxa soo baxaysa in khilaafyadaas hay’adaha qaar ragaadiyay aanu ilaa hadda wax talaabo ah oo muuqata ka qaadin. Xilliga uu Madaxweyne Siilaanyo xukuumadii ka horaysay ku dhaliilayay khilaafka noocan ah, wuxuu ahaa sannadkii u dambeeyay 8 sannadood oo uu Daahir Rayaale talada dalka hayay, balse waxa la yaab leh in sannadkii u horeeyay ay xukuumadiisu noqotay mid kala socota oo is wada haysata. Dhacdooyinka dhegaha dadka ku cusub ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lagu arkay waxa ka mid ah masuuliyiin sar sare oo ka mid ah golihiisa xukuumadda iyo saraakiil amni oo farriimo kulul isu marinaya warbaahinta.

Ma cadda halka ay sartu ka qudhuntay, waxase la isweydiinayaa sababta uu ilaa hadda Madaxweyne Siilaanyo uga warwareegayo inuu waajaho wax ka qabashada dhaliilaha xukuumadiisa oo ay ugu mudantahay xal u helidda khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta uu xilka u igmaday ee gaadhay heer ay bulshada oo dhami ka war qabto.

Si kastaba ha ahaate, ceebihii uu Madaxweyne Siilaanyo shalay farta ku fiiqayay inuu maanta dugsadaa marnaba ma qancinayso muwaadinka codkiisa ku saaray kursiga Somaliland ugu sareeya, waxase laga sugayaa inuu ciyaaro kaalintiisii hoggaamiyenimo oo dhigaysa in masuul kasta uu kaga war hayo shaqada uu u diray iyo wada shaqaynta uu la leeyahay masuuliyiinta kale si ay hawsha qaranku ugu socoto si habsami leh. Haddii kale waxa su’aalo la iska weydiin doonaa sida uu xaalku noqon doono sannadka u dambeeya ee xukuumadiisa.?