Faysal Cali Waraabe Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Baadhista Ay Shirkadaha Shidaalku Dalka Ka Wadaan

0
707

Picture4Hargeysa(Geeska):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga hadlay Shirkada DNO oo Shidaal ka Sahminaysa deegaanka Xudun islamarkaana la sheegay in lagu  Rasaaseeyay Shaqaalaheedii.waxaana uu ugu horayn uu carabka ku dhuftay in gabi ahaanba shirkadaha shidaal baadhista ka samaynaaya gudaha dalka Somaliland ay yihiin kuwo sharci darro ah.

Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay la hadlaayey qaar kamida warbaahinta dalka,waxaana uu sheegay in aan xiligan la joogin wakhti dalka laga bilaabo in la baadho arrimaha shidaalka.

 “Horta Shirkaddaha Shidaalka Qodaya, anagu horena waanu u sheegnay haddana waanu sheegaynaa,Shirkaddahaas wadanka hadda wax ka bilaabaya waxaanu  aragnaa inay yihiin Shirkaddo aan Xalaal ahayn.Waana Sharci darro.waxa weeye Maanta Maalin aynu shidaal Qodano dalkeenu ma joogo, Nidaamkii lagu soo saari lahaa Shidaalka maynu samaynin, Dalkeenu ma midaysna, Sharciyaddii lama samaynin, markaa anagu arintaas waxaanu u aragnaa uun inay tahay Arin aan soconayn, Shirkadduhuna yihiin Shirkaddo yaryar oo doonaya inay meesha sii Carbuuntaan oo Xogaa Lacag ah ka bixiyaan goordhawna ay Shirkaddaha waawayn ka iibiyaan”Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu uga digay shirkadaha Shidaal baadhista samaynayaa in ay tagaan deegaanka Xudun,waxaana uu yidhi:“Ta kale waxa weeye dhulkaas ay imika la sheegayo ee Xudun, inay tagaan maaha.Dalkan Markii Siyaad Barre Joogay Shirkaddaha waaweyn ee Aduunka oo Maraykan u Badan ayaa 27 Qaybood laga siiyay dhulkeena oo uu Ceelkaa Hol-hol ugu bariyeeyo, Ceel Gaalna uu ugu Galbeedeeyo. Shirkaddahaas Xuquuqdooda inla dhawro weeye, maalintii dhawayd ee aanu tagnay “.

Ugu danbayntii Eng:Faysal Cali Waraabe  Waxaa uu sida oo kale  uu sheegay In dadka degaanka Xudun iyo meelaha ku dhaw aanay Somaliland wada raacsanayn islamarkaana qayb kamid ahi ay raacsan yihiin Maamulka uu hogaaminaayo Cabdiwali Gaas , qaybina fadhido baa uu yidhi Saaxdheer, halka qaybta kalena ay Somaliland raacsan tahay,Waxaana uu tilmamay in Shidaal baadhis dhulkaasi laga sameeyaa ay  dhibaato aad u badan  u horseedi karto Dadka degaankaasi.