“Dadku Waxay Leeyihiin Madaxweyne Muuse; Waxaad Mooda Inuu Taliskii Ciidanka Afraad Weli Xukumayo”

0
799

Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, ayaa talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha, waxaanu ugu baaqay inuu mar walba wanaag, tixigelin iyo cadalaad umadda ugu adeego, waxaanu guud ahaan Shacabka ugu baaqay inay Madaxweynahooda tixgaliyaan.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay sida wada jirka ah u gaadheen Xisbiyada UCID iyo Kulmiye, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  “Go’aankan la gaadhay maaha mid cadaalada oo soconaya,  go’aan Xisbiyadu ku wada socdaan in la gaadho ayaa loo baahan yahay,laakiin maaha inay kala socdaan, oo kala fogaadan,   Komishan laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye,  aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan nahay, ee ha la simo, oo Xisbiyadu ha u sinaadan”.

Mar uu ka hadlaayey Golaha Guurtida ayaa yidhi  “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeye, cidda soo xulaysaana  waa  Salaadiinta,maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanayaa, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”.

Mar uu ka hadlaayey Madaxtooyada cusub ee la dhisayo ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah, dad baana deganaa  dhulkan loo asteeyey in  Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama  tahay Madaxweynihii Jahmuuriyada Somaliland,dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi  waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo,ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu  doortay, ee ha la tixgaliyo, markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, wax kasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu  mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshaan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha  xadhig iyo cadaadis in lagula kaco”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here