Guddoomiye Cirro Oo Go’aankii Kulmiye Iy UCID Ku Tilmaamay Warqadii Dhimashada Ee Doorashooyinka Somaliland

0
833

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku tilmaamay go’aankii ay wada jirka u soo saareen xisbiyada KULMIYE Iyo UCID warqadii dhimashada ee doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Cirro waxa uu xukuumada iyo labada xisbi ee kaleba ku dhaliilay inay la anbadeen taladii dalka, waxaanu ka digay in Somaliland ay ku keeni karto burbur.

Guddoomiye Cirro ayaa shacbiga ugu baaqay inay u midoobaan wax uu ku tilmaamay wakhti adag oo soo wajahay, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaaya kadib markii uu ka soo degay madaarka Cigaal afaafkiisa uu hadalka ku bilaabay  “ Intii aan maqnaa Somaliland waxa ka dhacaayey dhacdooyin yaab leh, heesaha kuma wanaagsani laakiin barigii hore waxa jiri jirtay hees la yidhaahdo Dharaaraba wax yaaba leh ayaa igu soo dhacaaya, intii aan maqnaa dhacdooyinka dhacay waa ay badnaayeen laakiin inayar oo faro ku tiris ah, waxa ka mid ah hooyooyinkii iyo umulihii lagu laayay dhulkoodii ee iyagiina la xidhxidhay oohintooda iyo baroortooda qof walba oo reer Somaliland ah gudo iyo dibadba uu gaadhay codkoodu,waxa ka mid ah muwaadniin reer Somaliland ah oo danyar ah oo maxkamadi ku xukuntay midkiiba 700 kun lacag ku dhaw mid kiiba, waxa ka mid ah saxaafadii madaxa banaanayd oo sida xoolaha loo xaraasayo oo jeelka laga buuxinaayo waxa ugu danbeeyay kuwii jidhdilka loo gaystay tafatirihii Bulsho iyo Cabdimaalik Coldoon oo Burco laga soo afduubay.”

Guddoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Somaliland waa dalkeenii waan wada ilaashanaynaa doodo ayaa ka  socday maalmii dhawayd Somaliland waxa ka mid ah tii ay curiyeen Prof.Samatar iyo Prof.Cali Khaliif Galaydh ee ahayd Somaliland la wada leeyahay hadii la waayo Somaliland ma sii jiraysaa, waxaan doonaynay Somaliland la ururiyo laakiin waxa aad moodaa dhacdooyinka is daba socda inay midiba mid ka yaab badan tahay, shalay xukuumadii Somaliland iyo xisbiyadii KULMIYE IYO UCID waxay soo saareen wax ay ku sheegeen go’aan, go’aan maaha kaasi waxaan ku micnayan karaynaa oo kaliyaata inay ahayd shahaadadii dhimashada hanaankii dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland, alle haynooga sahlo Somalilandna way galaafan kartaa arintaasi, waxaanu u sheegaynaa in talaabada ay qaadeen aanay u danaynayan hanaanka dimuqraadiyada Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha talaabo u danaynaysa midnimada shacbiga iyo  wada jirkooda, hasayeeshee waa talaabo  dildilaac ku keeni karaysa  bulshada Somaliland, wax kale oo aan u sheegaynaa in talabadaas ay qaadeen in aanay sinaba uga suurto gal ahayn Somaliland in laba xisbi ay yidhaahdaan anaga ayaa sida aanu doono ka yeelayna intay gaar u tashadaan.”

Guddoomiye Cirro waxa uu fariin u diray shabiga iyo beesha caalamka ee taageerta doorashooyinka Somaliland “fariintaan u diraayo shacbiga reer Somaliland iyo beesha caalamku go’aankaas magaca ay doonaanba haw bixiyaane inaanu dadafaynay oo aanan ogolayn oo aanu diidnay xisbi ahaan, waxa xisbiga Waddani uu shacbiga Somaliland iyo beesha caalamkaba u sheegayaa inuu diyaar u yahay doorashooyin wakhtigoodii ku qabsooma, waxa kale oo aan u sheegayaa beesha caalamka iyo shacbiga Somaliland in aanay sinaba u suurto galayn in kaligii xisbi uu doorasho Somaliland ka qabsado, waxaanu leenahay labadaas xisbi iyo xukuumadaba taladii waad la anbateen anaguna waxaanu diyaar u nahay miiska wadahadalka sidaanu awalba diyaar ugu ahayn.”

Ugu danbyntiina waxa uu hadalkiisa ku soo gunaaday gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani “ Somaliland waa la wada leeyahay taladeedana waa la wada leeyahay cid gaar u tashan kartaana ma jirto, go’aankoodana marnaba kumay xusin caqabadii doorashada hortaagnaa iyo sida loo qaadayo, waxay yidhaahdeen komishanku ha joogo ilaa iyo 29/Nov/ waxa ay yidhaadeen bisha sideedaad ayaanu soo jeedinay in la magacaabo komishankii cusbaa maxa u diidaya in bisha shanaad la magacaabo, maxaa u diidaya in bisha lixaad la magacaabo sharciga kaas u ogolaaday kan miyuu diidan yahay hadii la doonayo doorasho talo halaysugu yimaado oo doorashadii diyaar ayaanu u nahay, shabiga Somaliland waxaan ku dardaarayaa maadaama oo aan aragno xukuumadii taladeedii, maadama oo aan aragno labadii xisbi taladoodii midnimadeenu waa muhiim, wada jirkeenu waa muhiim duruufahaas ina haysta ee inagu gadaaman waxaan kaga bixi karaynaa midnimo.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here