Dadkii Malaayiin Sano Ka Hor Jiray Waxa Ay Lahaayeen Awood Maqal Oo Ka Fiican Ta Aadamaha Hadda Jira

0
550

Picture9Godad laga soo faqay aataar iyo hadhaadi Malaayiin sano jiray ayaa laga dhex helay lafaha saddexda ah ee ku samaysan dhegta aadamaha qaybteeda gudaha, waxaana la aaminsan yahay in helitaanka laftani uu si weyn culimada sayniska uga caawin doono in ay ogaadaan awoodaha maqalka ee aadamaha. Cilmibaadhis la soo bandhigay toddobaadkii hore ayaa lagu sheegay in baadhis kadib la ogaaday in aadamahaasi uu dhinaca maqalka kaga fiicnaa daanyeerka noociisa loo yaqaanno Chimpanzees iyo dadka hadda nool labadaba, gaar ahaan marka la eego awoodda iyo salka mawjadaha sahlaha maqalka.

Rolf Kwame oo ku xeeldheer cilmiga isirka kana tirsan jaamacadda Binghamton ee New York ayaa sheegay in labada nooc ee hadhaadigan aadamaha ee ay heleenba muujinayaan in dadkaas hore ay dadka hadda ka maqal fiicnaayeen qiyaas ah 1 illaa 3 Kilohertz.

Natiijada baadhistan iyo waxa ka soo kordha ayaa la filayaa in lagu faafin doono cadadka soo socda ee Joornaalka Science Advances oo ka soo baxa dalka Maraykanka waxna ka qora arrimaha sayniska iyo hadba wixii ku soo kordha.