London (Geeska)- Xeeldheerayaal caafimaad ayaa baadhitaanno caafimaad oo ay sameeyeen ku ogaaday in dadka waxbarashadoodu heerka sare gaadho ay ku badan tahay suurtogalnimada in uu ku abuurmaan burooyinka kansar ee maskaxda ka soo baxa, marka la barbar dhigo dadka waxbarashada meel hore kaga hadha.
Cilmibaadhis uu Geeska Afrika turjumay ayaa lagu sheegay in culimo caafimaad oo u dhashay dalalka Sweden iyo Ingiriiska ayaa sameeyey cilmibaadhis ay muddo 17 sano ah baadhis iyo dabagal ku hayeen xaaladda 4.3 Milyan oo qof, oo ku dhashay dalka Sweden, waxa aanay ogaadeen burooyin Kansar oo ku abuurantay maskaxda 5 Kun oo nin iyo 7 kun oo dumar ah oo dadkaas ka mid ahaa.
Cilmibaadhistani waxa ay daahfurtay in ragga waxbarashadoodu gaadhay heer jaamacadeed oo ah ugu yaraan saddex sano ay khatarta ah in uu Kansarkan maskaxdu ku dhacaa ay illaa boqolkiiba 19 ka badan tahay dadka waxbarashada kaga hadhay fasalka Sagaalaad ee dugsiga sare. Isla sidaas oo kale ayaanay dumarka waxbarashadoodu heerkan gaadhay khatarta kansar ugaga badan yihiin kuwa dugsiga sare kaga dhacay, weliba dumarka tiradu intaas waa ay ka badan tahay ragga waxa aanay gaadhaysaa illaa boqolkiiba 23.
Dhinaca kalana xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay ogaadeen war aan fiicnayn oo ah in uu xidhiidh ka dhexeeyo Kansarka maskaxda ku dhaca iyo shaqooyinka adag ee maskaxda la xidhiidha. Tusaale ahaan ragga qabta shaqooyin iyo xirfado la xidhiidha fikir iyo rogrogis badan oo maskaxda aad uga shaqaysiinaysa, ayaa suurtogalnimada ah in ay ku dhacaan burooyinka Kansar ee maskaxdu ay boqolkiiba 50 ka badan tahay cabsida looga qabo kuwa qabta shaqooyin muruqmaal ah iyo hawlo xooggooda iyo qaabdhismeedka jidhkooda ku xidhan.
Waxaa xusid mudan in khubaradani aanay ogaanin sababta rasmiga ah ee cilmi ee arrimahan isku xidhiidhisay, balse waxa ay aaminsan yihiin in ay suurtogal tahay in sababtu ay noqon karto mid fiican oo ah in dadka aqoontoodu heerka sare tahay ay inta badan si joogto ah ula xidhiidhaan dhakhaatiirta xaaladdooda caafimaadna baadhitaan joogto ah ku sameeyaan taasina ay keento in la ogaado in kansarkani hayo, halka kuwa aan heerkooda waxbarasho saraynin aanay inta badan xaaladahooda caafimaad la socon, sidaa awgeed ay suurtogal noqon kartaba in iyaga uu ku tiro ahaan ku badan yahay xanuunkani marka loo eego kuwan waxbarashada sare leh, balse aan iyaga la ogaan.